4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
SAWIRRO: Madaxweynaha iyo Beesha Caalamka oo ka hadlay taageerada dib u dhiska Ciidamada

Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wakiillada dalalka Beesha Caalamka u fadhiya Somalia, ayaa kala hadlayay daryeelka iyo taageerada ciidamada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa wakiillada caalamka uga mahad-naqay doorkooda ay ka qaadanayaan taageerada ciidanka Somalia iyo dib u dhiskooda, isagoo xusay in taageeradaas ay muhiim u tahay sidii ciidamada Qaranka Somalia ay si dhib la’aan ah mustaqbalka dhaw amaanka guud ee dalka ugala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM.

Sidoo kale, Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia, Michael Keating, Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Maxamed Al Cusmaan, ergayga Midowga Yurub ee Somalia, Michele Cervone D’ Urso, Danjiraha Britain, Harriet Mathews, iyo safiirka dalka Turkiga, Olgan Bekar, oo iyaguna shirka ka hadlay ayaa dowladda Somalia ku bogaadiyay dadaalka ku aaddan barnaamijka nabadgelyada Qaranka iyo dib u dhiska waddanka.

Dhanka kale, wakiillada ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay sii wadayaan taageerada ay u fidinayaan xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Qaranka.

Ugu dambeyntii, kulanka looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amaanka Somalia iyo weliba xoojinta hawlgallada dhanka ka ah Al-shabaab oo ay ugu yeereen nabad-diidka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya