4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2016
C/WELI GAAS: Puntland uma baahna Ciidammo AMISOM ah wayna isaga filan tahay Al-shabaab


Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] oo ku sugan Dalka Mareykanka ayaa sheegay in Puntland ay isaga filan tahay Al-shabaab, isagoo xusay inuu kalsoon yahay inay deegaannadooda ka saari doonaan xoogaga Al-shabaab.

Gaas oo Wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in Dhaq-dhaqaaqyada ay Al-shabaab ka billowday deegaanno ka tirsan Puntland ay tahay mid cusub oo aan horay loo arag, isagoo xusay in arrintan ay tahay mid ku cusub,  maadaama buu yiri Al-shabaab ay markii hore ku sugnaayeen Buuraleyda Galgala.

Sidoo kale, madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland oo la weydiiyay eedeynta wasiir ka tirsan maamulkiisa uu u jeediyay dowladda Somalia, taasoo ku saabsanayd inay ku lug leedahay dowladda federaalka duullaanka lagu soo qaaday  Puntland, ayuu kaga jawaabay.

“Warkaas war sax ah ma ahan, aniga ma aaminsani in dowladda federaalka ay mas’uul ka tahay waxyaabaha ay ku kacayso Al-shabaab, dagaallada aan kula jirno mid la mid ah ayayna kula jirtaa, wada-shaqeyn, in laga hortago Shabaab iyo in laga xoreeyo dalka oo dhan ayaanu isku hadaf ka nahay dowladda dhexe ee Soomaaliya, marka aniga ma aaminsani in arrintaas jirto, wax xaqiiqo oo aan u heyno ma jirto.”

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in aanu maqlin hadalka wasiirka inuu toos u dhahay, balse arrintaas siyaabo kala duwan loo turjumay, wuxuuna mar kale yiri. “Wasiir hadalkaas si toos u yiri ma maqal, waxaase loo turjumay siyaabo kala duwan, aniga C/weli ahaan raggaas waxaan qabaa inay yihiin cadow Soomaaliyeed, mana kala jecla Somalia, waa cadaw gobolka oo dhan shido ku ah iyo caalamkaba.”

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa xusay in aan xilligan loo baahneyn in la is eedeeyo, isla markaana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo, sidii meel looga soo wada jeesan lahaa hal cadaw oo ay leeyihiin, loona midoobo.

C/weli Gaas oo la weydiiyay inay u baahan yihiin ciidamo kuwa AMISOM ka tirsan ayuu ku jawaabay. “Anaga AMISOM uma baahnin, Puntland way isaga filan tahay inay iska caabiso Al-shabaab iyo wixii la mid ah. Dowladaha Caalamka waxaa kala hadalnay in Puntland la taageero, wixii taakuleyn oo la siiyo, sida AMISOM iyo ciidamada Somalia ayay Puntland xaq u leedahay, Al-shabaabka Koofurta ku sugan iyo kuwa kuwa Galgala waa isku mid.”

Dhanka kale, madaxweyaha maamulka Puntland oo la weydiiyay tirada ciidanka duulaanka ku qaaday Puntland iyo halka ay ka yimaadeen, ayuu wuxuu sheegay inay ka yimaadeen gobollada dhexe iyo koofurta Somalia, balse aanu hadda wax ka ogeyn tiradooda rasmiga ah.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay in xoogaggooda ay isku fidinayaan deegaano ka tirsan maamulka Puntland, markii boqolaal ka mid ah ay maalmihii la soo dhaafay ay doonyo ku gaareen deegaanadaa xeebta ku yaalla ee ka tirsan Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya