4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2016
Soomaaliya oo Kaalin Wanaagsan Ka Gashay Wadamada Ugu Farxada Badan Dunida

 

Khamiis, Maarso 17, 2016 (HOL)-Warbixin dhawaan lasoo saaray oo lagu magacaabo Warbixinta Farxada ee Caalamka ama World Happiness Report (WHR) ayaa waxaa lagu muujiyay in sanadkaan 2016 uu dalka Soomaaliya kaalin wanaagsan uga jiro wadamada dadkoodu faraxsan yihiin ee dunida.

Warbixintaan oo sanadle ah ayaa waxaa  soo saarta QM. Warbixinta ayaa muujisa in farxada waxyaabaha keeni kara ay ka mid yihiin balse aysan ku koobneyn horumarka dalka, dhaqaalaha dadku heysto iyo inta ay fili karaan inay noolaadaan.

Hase ahaatee, waxaa sidoo kale warbixintu muujinaysaa in asbaabtaa kaliya aysan ku imaan balse siyaabo kale ay sidoo kale dadku farxad ku heli karaan.

Dalka ugu farxada badan ee liiskaa ugu sareeya sanadkaan ayaa ah Denmark. Soomaaliya oo ah wadan uu dagaal sokooye ka jiray 25kii sano ee lasoo dhaafay ayaa gashay booska 76. Waxaana hubaal ah inay aad uga horeyso dalal badan oo qaarada Afrika kuyaala ama kujira caalamka Islaamka.

Halka tobanka dal ee ugu hooseeya liiska ahna kuwa ugu farxad yar ay badankoodu kuyaalaan qaarada Afrika inteeda ka hooseysa saxaraha. Wadamadaa tobanka ugu liita dhanka farxada dadkooda waxaa kujira dalalka Tanzania, Burundi oo ayadu dhankaa uguba liidata iyo Rwanda.

Waxaa kula jira tobankaa ugu hooseeya dalalkaa Afrikaanka ah wadamada sida Suuriya iyo Afghanistan.

 

Hoostaan ka daalaco liiskaa dalalka iyo sida ay ugu kala horeeyaan: 


Nambarka Dalka Heerka Farxada Dadka
1  Denmark 7.526
2   Switzerland 7.509
3  Iceland 7.501
4  Norway 7.498
5  Finland 7.413
6  Canada 7.404
7  Netherlands 7.339
8  New Zealand 7.334
9  Australia 7.313
10  Sweden 7.291
11  Israel 7.267
12  Austria 7.119
13  United States 7.104
14  Costa Rica 7.087
15  Puerto Rico 7.039
16  Germany 6.994
17  Brazil 6.952
18  Belgium 6.929
19  Ireland 6.907
20  Luxembourg 6.871
21  Mexico 6.778
22  Singapore 6.739
23  United Kingdom 6.725
24  Chile 6.705
25  Panama 6.701
26  Argentina 6.650
27  Czech Republic 6.596
28  United Arab Emirates 6.573
29  Uruguay 6.545
30  Malta 6.488
31  Colombia 6.481
32  France 6.478
33  Thailand 6.474
34  Saudi Arabia 6.379
35  Taiwan 6.379
36  Qatar 6.375
37  Spain 6.361
38  Algeria 6.355
39  Guatemala 6.324
40  Suriname 6.269
41  Kuwait 6.239
42  Bahrain 6.218
43  Trinidad and Tobago 6.168
44  Venezuela 6.084
45  Slovakia 6.078
46  El Salvador 6.068
47  Malaysia 6.005
48  Nicaragua 5.992
49  Uzbekistan 5.987
50  Italy 5.977
51  Ecuador 5.976
52  Belize 5.956
53  Japan 5.921
54  Kazakhstan 5.919
55  Moldova 5.897
56  Russia 5.856
57  Poland 5.835
58  South Korea 5.835
59  Bolivia 5.822
60  Lithuania 5.813
61  Belarus 5.802
62  North Cyprus 5.771
63  Slovenia 5.768
64  Peru 5.743
65  Turkmenistan 5.658
66  Mauritius 5.648
67  Libya 5.615
68  Latvia 5.560
69  Cyprus 5.546
70  Paraguay 5.538
71  Romania 5.528
72  Estonia 5.517
73  Jamaica 5.510
74  Croatia 5.488
75  Hong Kong 5.458
76  Somalia 5.440
77  Kosovo 5.401
78  Turkey 5.389
79  Indonesia 5.314
80  Jordan 5.303
81  Azerbaijan 5.291
82  Philippines 5.279
83  China 5.245
84  Bhutan 5.196
85  Kyrgyzstan 5.185
86  Serbia 5.177
87  Bosnia and Herzegovina 5.163
88  Montenegro 5.161
89  Dominican Republic 5.155
90  Morocco 5.151
91  Hungary 5.145
92  Pakistan 5.132
93  Lebanon 5.129
94  Portugal 5.123
95  Macedonia 5.121
96  Vietnam 5.061
97 Somaliland region 5.057
98  Tunisia 5.045
99  Greece 5.033
100  Tajikistan 4.996
101  Mongolia 4.907
102  Laos 4.876
103  Nigeria 4.875
104  Honduras 4.871
105  Iran 4.813
106  Zambia 4.795
107    Nepal 4.793
108 Palestinian Territories 4.754
109  Albania 4.655
110  Bangladesh 4.643
111  Sierra Leone 4.635
112  Iraq 4.575
113  Namibia 4.574
114  Cameroon 4.513
115  Ethiopia 4.508
116  South Africa 4.459
117  Sri Lanka 4.415
118  India 4.404
119  Myanmar 4.395
120  Egypt 4.362
121  Armenia 4.360
122  Kenya 4.356
123  Ukraine 4.324
124  Ghana 4.276
125  Congo (Kinshasa) 4.272
126  Georgia 4.252
127  Congo (Brazzaville) 4.236
128  Senegal 4.219
129  Bulgaria 4.217
130  Mauritania 4.201
131  Zimbabwe 4.193
132  Malawi 4.156
133  Sudan 4.139
134  Gabon 4.121
135  Mali 4.073
136  Haiti 4.028
137  Botswana 3.974
138  Comoros 3.956
139  Ivory Coast 3.916
140  Cambodia 3.907
141  Angola 3.866
142  Niger 3.856
143  South Sudan 3.832
144  Chad 3.763
145  Burkina Faso 3.739
146  Uganda 3.739
147  Yemen 3.724
148  Madagascar 3.695
149  Tanzania 3.666
150  Liberia 3.622
151  Guinea 3.607
152  Rwanda 3.515
153  Benin 3.484
154  Afghanistan 3.360
155  Togo 3.303
156  Syria 3.069
157  Burundi 2.905

Aden Mohamed Warsame
[email protected]
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya