4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
Dad u dhintay abaaraha saameynta ku yeeshay gobollada ku yaalla galbeedka SOMALILAND


Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Illaa afar qof ayaa abaarta baahsan ee ka jirta gobolka Awdal ku geeriyooday, iyadoo dad iyo xoolaba lagu hawlan yahay sidii loo soo guri lahaa.

Maamulka gobolka Awdal ayaa xaalad degdeg ah kaga dhowaaqay gobolka, isla markaana sheegay in abaartii ka jirtay gobolka ay sababtay inay dadku u geeriyoodaan ka dib markii xoolihii ay abaartu ka laysay.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray haween iyo caruur ay abaartu saameysay daran ku yeelatay, iyadoo guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Cali Saleebaan [Ramaax] uu baaq qaylo-dhaan ah kasoo jeediyay deegaanada abaartu ku dhufatay, isagoo xusay inay dadku socon kari waayeen gaajo iyo haraad darteed.

Guddoomiyuhu ayaa sheegay in abaartu ay saameysay reer guuraa badan oo iminka kasoo hayaamaya dhulka xeebaha ah, kuwaasoo keentay in Qaarkood ay Carruurtoodii isaga soo yaaceen markii ay soo qaadi kari waayeen.

Guddoomiye Ramaax ayaa sheegay in uu inta badan kormeer ku soo maray deegaanada ay abaartu ku dhufatay oo u badan deegaanada buuuraha iyo xeebaha, kuwaas oo dadku socon kari karayey ay wadooyinka tuban yihiin.

“Illaa afar qof ayaanu haynaa oo u geeriyooday abaarta jirta, waxaana meelaha qaarkoodna laga sheegayay inay shan qof yihiin, dadkan waxaa ka dhamaaday xoolihii, abaartuna waa mid aad u baahday oo gobolka Awdal, Gabiley iyo waqooyiga Hargeysaba dadkii waxay la socon kari waayeen waa gaajo iyo haraad”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Awdal Ramaax oo ka hadlayey abaarta ka jirta gobolka.

Waxaanu intaas ku daray. “Dadkaani markii ay carruurtii soo qaadi kari waayeen ayea kala dhaqaaqeen oo intii soo gaadhi karaysay waxay yimaadeen wadooyinka hareerahoodda, inkastoo gurmad badan u fidinay oo ilaa hadda raashin u qaybinayo hadana abaartu waxay saamaysay 99% dadkii reer guuraa ahaa”.

Sidoo kale, guddida abaarta Somaliland ayaa dhankooda caawimooyin badan gaadhsiiyey deegaanada abaartu ka jirto, wallow aanay waxba ka tari Karin, maadaama oo goboladda Awdal, Hargeysa iyo saaxil ay teedsan yihiin dadkii abaaruhu saameeyeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland