4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
SAWIRRO: Isbaheysi ay ku Midoobeen xisbiyada siyaasada dalka oo Muqdisho looga dhawaaqay

Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Waxaa manta Muqdisho looga dhawaaqay isbaheysiga ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda Somalia, Waxaana xisbiyada ku midoobay ay tiradoodu gaaraysaa illaa soddomeeyo xisbi dalka ka dhisan.

Kulanka looga dhawaaqay isbaheysigan ayaa waxaa laga akhriyay xeerka iyo mabaadi’da isbaheysiga, waxaana xubno ka ah asxaab ay hoggaaminayaan siyaasiyiin caan ah oo qaarkood horey xilal uga soo qabtay dowladihii Somalia.

Sidoo kale, kulanka ku dhawaaqista isbahaysigan ayaa laga sheegay in isbaheysigu uu ku doortay Muqdisho maalmo ka hor hoggaankiisa cusub, waxaana guddoomiyaha u noqday Saciid Jaamac Qoorsheel oo ah guddoomiyaha xisbiga USP, soo noqday Wasiirka DF ee Gaadiidka, iyadoo gudoomiye ku-xigeena loo doortay Cali Maxamed Nuux (Timajilic) oo ah guddoomiyaha xibsiga Jamhuuriga Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo Duqii Muqdisho soo noqday ayaa sharraxay muhimada uu isbaheysigu leeyahay, isagoo sheegay inay ugu weyn tahay sidii uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu uga saari lahaa xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin, loona heli lahaa nidaam dowladeed oo dhameystiran, isagoo weeraray madaxda dowladda oo uu sheegay inaysan jirin wax ay u qabteen dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka isbaheysigan, Cali Maxamed Nuux (Timajilic) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wadanka ay ka jiraan dhibaatooyin fara badan oo heysta bulshada, uuna isbaheysigan u taagan yahay sidii looga gudbi lahaa, wuxuuna xusay in isbaheysigan uu ka qeyb galayo doorashooyinka ka dhacaya dalka sanadkan ayna ku midoobi doonaan hal musharax.

Dhanka kale, Guddoomiyaha isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Somalia, Saciid Qoorsheel oo isagana gunaanadkii ka hadlay kuklanka ayaa xusay in isbaheyigan  uusan ku dhisneyn qabyaalad,  uuna ka turjumayo maslaxada ummadda, isagoo ka digay in faham qaldan laga qaato.

Saciid Qoorsheel, ayaa wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in illaa hadda aan la diyaarin nidaamkii doorashada, iyadoo xilliga dowladda uu ka harsan yahay muddo kooban isagoo xusay in doorasho Qof iyo Cod ah aan laga qaban karin dalka, haddii xili hore la shaqeyn lahaa, isagoo intaas ku daray in si ku talo-gal ah ayuu sheegay in looga seexday taasoo laga dhaxlay ayuu yiri xaalada uu hadda dalku marayo.

Uguu dambeyn, Intii kulanku socotay waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Daljir, Xildhibaan Xasan Macallin, Siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada isbaheysigan maanta ku midoobay, odayaal dhaqameed iyo xubno ka tirsan bulshada, Waxaana halkaas hambalyo looga soo jeediyey isbaheysigaan cusub ee maanta lagu dhawaaqay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya