4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
Xukuumadda Federaalka Somalia oo ka jawaabtay eedeyntii ay u soo jeedisay Maamulka Puntland


Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa jawaab ka bixisay eedeyntii uu maamulka Puntland u soo jeediyay shalay ee ahayd inaysan ka gacan-marnayn duullaanka ay Al-shabaab ku qaadday deegaannada xeebaha bari ee Puntland.

RW ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa nasiib-darro weyn ku Tilmaamay eedda maamulka Puntland uu ee ka dhanka ah dowladda federaalka Somalia ee ahayd inay ku lug leedahay Weerarkii Al-shabaab ay ku Qabsadeen deegaanka Garacad iyo xeebaha bari ee Puntland la wareegay.

“Xoogagga Al-shabaab meel ayay ka guureen, meel kale ayayna u guureen, waana mid aan ka Xunnahay in furin kale ay furanto,” ayuu RW ku xigeenka Somalia ku sheegay Wareysi uu maanta siiyay idaacadda BBC-da.

Sidoo kale, RW ku xigeenka ayaa ku baaqay in Puntland iyo dowladda federaalka ay wada shaqeeyaan, isla markaana ay xoogga saaraan sidii ay u adkeyn lahaayeen ammaanka guud ee deegaannadooda.

“Wax naga dhexeeya Al-shabaab ma jiraan… Waana Nasiib-darro in Puntland ay Hadalka sidaas u dhigto,” ayuu hadalkiisa ku daray Carte, oo sheegay inaysan ku guuleysan doonin Al-shabaab weerarkooda Puntland, uuna dagaalkooda wakhti qaadan doono.

Dhanka kale, Hadalka RW ku xigeenka Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa xilli uu shalay Wasiirka Amniga Maamulka Puntland sheegay in Dowladda Federaalku Somalia aysan ka gacan marnayn duullaanka ay Al-shabaab kusoo qaadday Puntland.

Ugu dambeyn, Xoogaggii Al-shabaab ee la wareegay deegaanno ay ka mid tahay Garacad ayaa weli ku sugan deegaan ku dhow, inkastoo maanta ay ciidamada Puntland Al-shabaab kala wareegeen deegaanno ay ka mid tahay Garmaal oo ku dhow degmada Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya