4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
SAWIRRO: Hillary Clinton iyo Trump oo Guul ka gaaray Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee USA

Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Hillary Clinton, ayaa guul ka gaartay doorashooyinkii is-reeb-reebka ahaa ka dhacday dalka Mareykanka, iyadoo ku guuleysatay afar gobol oo ka mid shantii gobol ee ay doorashooyinka hordhaca ahaa ee shalay dhacay.

Gobolada ay murshaxad Hillary Clinton ku guuleysatay ayaa kala ah; Noth Carolina, Ohio, Florida iyo Illinois, halka gobolka Missouri uu yahay mid aan weli lagu kala bixin balse la sheegayo inay iyadu hoggaaminayso.

Xildhibaan Bernie Sanders ee la tartamayay Hillary Clinton ayaa sheegay inaanu ka harayn tartanka, isagoo intaas ku daray inaysan jirin sabab uu tartanka uga baxo, isagoo sheegay in aysan jirin waddo kale oo u furan.

Sidoo kale, Murashaxiinta Jamhuuriga ayaa guul weyn gaaray doorashooyinkii ka dhacay Mareykanka shalay, isagoo guul ka gaaray doorashadii ka dhacday gobolka Florida, isagoo kaga badiyay mudanaha laga soo doorto gobolkaas ee Marco Rubio. Sidoo kalena wuxuu Trump ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay Illinois iyo North Carolina.

Gobolka Florida ayaa ergooyinkiisa waxaa kulligood wada qaata qofka guuleysta, iyadoo guul-darada ku dhacday Marco Rubio ay ku qasabtay in xalay uu ku dhawaaqo in tartanka uu ka haray.

Inkastoo Trump uu rajo ka qabay haddii uu ku guuleysto Gobolka Ohio ay taasi soo afjari lahayd muranka ka taagan xisbigiisa ayaan dhicin, waxaana gobolkaas ku guuleystay, John Kasich oo guddoomiye ka ah, isagoo wada helay ergooyinkii gobolkaas. Waxaana guusha John Kasich uu ka gaaray Ohio ay neef weyn kasoo saartay asaasayaasha GOP ee xisbiga Jamhuuriga oo u muuqda mid labo u kala jabaya.

Dhanka kale, Murashaxa uga qayb-geli doona Xisbiga Jamhuuriga doorashada guud ee Mareykanka ayaa looga baahan yahay inuu haysto 1,237 ergay. Iyadoo Donald Trump uu hadda haysto 664-ergay, halka Ted Cruz oo kusoo xiga uu isna haysto 430-ergo, Marco Rubio ayaa isagana haysta 168-ergay, ugu dambeynna John Kasich ayaa haysto 136-ergay oo keliya.

Haddaba, haddii murashax Doland Trump laga horjoogsado inuu ergooyinka laga rabo oo dhan helo, Waxay fursad siinaysaa in Congress-ka xisbigu uu go’aan ka gaaro ruuxa ay u dooranayaan ka qayb-galka doorashada guud ee Dalka Mareykanka oo dhici doonta Bisha November ee sannadkan.

Ugu dambeyn, Doorashooyinkan is-reeb-reebka ah ee labada Xisbi ee Mareykanka ayaa sii socon doona toddobaadka soo socda, iyadoo ay doorashooyinku ka dhci doonaan gobollada kala Arizona, Utah iyo Idaho, iyadoo murashax walba uu dadaal ugu jirto sidii uu guul uga gaari lahaa doorashooyinkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya