4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
BAYDHABO: Shirka dib loogu eegayo Dastuurka oo Maanta looga Dooday dhawr Qodob (Sawirro)

Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Waxaa maalintii 2-aad galay shirka dastuurka Somalia dib loogu eegayo ee shalay ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kaasoo ay soo agaasintay wasaaradda dastuurka Xukummadda Soomaaliya.

Shirka maanta ayaa waxaa ka qaybgalay xildhibaannada maamulka Koonfur-galbeed oo uu hoggaaminayo gudoomiyahooda, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia, gudiyada arrimaha dastuurka dalka oo uu hogaaminayay wasiirka dastuurka xukuumadda Somalia, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Goddoomiyaha baarlamanka maamulka Koonfur-galbeed oo ka hadlay shirka maanta ayaa ka hadlay muhiimadda uu u leedahay baarlamanka Koonfur-galbeed inuu la socdo, ayna ku darsadaan talooyin hannaanka dib u eegista dastuurka, si loo dastuur loo dhan yahay.

Waiirka Dastuurka Somalia oo isagana ka hadlay shirka ayaa ka hadlay howlaha ugu Waa-weyn ee u yaalla labada gole heer federaal iyo heer gobolba. Isagoo xusay in dastuurku uu ku noqon karo mid Soomaali leedahay loona dhan yahay in dhamaan dadka Soomaaliyeed ay ka wada qayb-qaataan talooyinna ku yeeshaan, isagoo xusay in baarlamaanada maamul-goboleedyada ay udub-dhexaad u yihiin geeddi socodka dib u eegista dastuurka, maadama ay matalaan shacabka deegaannada ay maamulaan.

Sidoo kale, waxaa hadlay wasiirka Dib-u-heshiisiinta iyo arrimaha Dastuurka ee maamulka Koonfur-galbeed, C/qaadir Nuur Caraale oo muhiim dastuurka dalka ee ay dib u eegistu ku socoto, wuxuuna soo dhaweeyay habka uu ku socdo dib u eegistiisa, isagoo ku bogaadiyay Wasaaradda arrimaha Dastuurka Somalia dadaalka ay ku bixinayso dib u eegista dastuurka iyo kulanka ay Baydhabo ku qabatay.

Ugu dambeyn, ka qayb-galayaashii kulankan ayaa waxaa loo qaybiyay Saddex kooxood oo ka doodayay arrimaha dastuurka, iyadoo koox kastaahi ay doodaysay qodobo gaar ah, si ay talooyin uga soo bixyaan,

Qodobbada laga doodayay ayaa waxay kala ahaayeen;

1. Waa maxay dastuur?
2. Waa maxay muhiimadda ay Somalia u leedahay inay dastuur yeelato?
3. Maxay lagama huraan u tahay in dadku ay wax ka ogaadaan ogaadaan Dastuurkooda?
4. Maxaad jeceshahay in dastuurka laguugu daro?
5. Sidee lagu heli karaa dastuur ay Somalia leedahay loona wada dhan-yahay?

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya