4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland oo ku dagaalamay Afmadow
Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Dagaalyahanno katirsan kooxda Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar qorsheeysan ku qaaday degmada Afmadow, ayadoo uu halkaasi iska horimaad xooggan ku dhexmaray ciidamadii degmadaasi ku sugnaa iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday abaare 12:00 Am, waxa uuna socday mudo laba saacadood oo xiriir ah sida ay inoo xaqiiijiyeen dadka deegaanka, ayadoo labada dhinac ay isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Madaafiicdii lagu tuuray degmada ayaa ku dhacay xaafado ay daganaayeen dad rayid ah, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo mid kamid ah ay dumar ahayd.

Taliyaha ammaanka degmada Afmadow Aar Sheekh Cali oo qadka teleefonka ugu waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab ayna ka warheleen duulaanka, isagoo xusay in ciidamadooda ay heegan geliyeen iskana difaaceen weerarkii ay Al-shabaab kusoo qaaday.

"Abaare 12:00 habeenimo ayay nasoo weerareen, anteenada ayay hawada ka saareen, kadibna weerar culus ayay nagu soo qaadeen, inagu waa naloo soo sheegay in ay weerar soo qaadayaan oo waan sugeeynay, qasaare ayaana gaarsiinnay," ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab ay weerarkaasi uga dileen in ka badan 20 askar, isagoo dhankooda sheegay in laba askari ay uga dhimatay mid kalena uga dhaawacmay.

Taliyaha ayaa hadalkiisii raaciyay "Waxay ka carareen hub iyo rasaas, waxayna dib ugu laabteen wado ka timaada dhanka magaalada Kismaayo oo ay markii hore naga soo weerareen."

Ma jiraan warar madax bannaan oo qeexaya qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Al-shabaab ayaa aalaaba weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah la beegsada saldhigyada ciidamada Jubaland ay ku leeyihiin degmooyinka gobolka J/hoose, waxaana arintan ay kusoo beegmeeysaa xilli magaalada Kismaayo ay ka soconayaan shirar lagu dejinayo qorsheyaal la doonayo in howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab looga bilaabo Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.