4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta la kulmay ku xigeenka Madaxweynaha Burundi (SAWIRO)

Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho kula kulmay maanta madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Burundi, Gaston Sindimwo oo maanta booqasho laba maalmood ah ku yimid Somalia.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn ka mahad-celiyay doorka naf-hurnimada leh ee dowladda Burundi ay ka Qaadanayso sidii nabad waarta loogu soo Dabaali lahaa Soomaaliya, isagoo dhinaca kale xusay in labada waddan ay dhinacyo badan iska-kaashan karaan.

“Burundi waa dal aynu walaalo nahay oo taageerada ay na siiyeen qayb ka noqon doonta taariikhda Soomaaliya. Dib u soo kabashada Soomaaliya kaalin weyn ayay ka qaadatay Burundi, waxaana rajeynayaa inaan ka wada-shaqeyn doono iskaashi buuxa oo labada dal dhex mara,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Somalia ay kalsooni ku qabto hoggaanka dalka Burundi iyo shacabkiisaba inay xalin karaan xurguftii yareyd ee dhinaca siyaasadda ah ee dhowaan dalka Burundi ka dhacdey, Soomaaliyana ay taageersan tahay mowqfika Burundi ee xalinta xurguftaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Burundi Sindimwo ayaa isagana sheegay in ku faraxsan yahay imaanshaha Somalia, isagoo xusay in booqashadiisa ay la xiriirto martiqaad horay ay ugu fidiyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya.

“Ujeeddada ugu weyn ee safarkeena waa sidii loo dhisi lahaa guddi labada dal ka socda oo hawshoodu noqon doonto fulinta heshiisyadii labada dal ay horay ugu gaareen Bujumbura, markii uu booqday RW Somalia. Waxaana ka wada-shaqeyn doonnaa sidii labada waddan ay wadajir Argagixisada uga tir-tiri lahaayeen Qaaradda Afrika,’’ ayuu yiri Sindimwo.

Heshiisyada ay labada waddan ay gaareen ee la doonayo in la fuliyo ayaa waxaa ka mid ah gaashaandhigga, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, beeraha, ganacsiga iyo in xogta dhinaca amniga ah la is-weydaarsado.

Wafdiga Burundi ka socda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in ciidamada Somalia ee millateriga iyo booliiska tababarro lagu siiyo kulliyadda ciidamada Burundi, isla markaana ay fursado waxbarasho u fidiyaan ciidamada Soomaaliya.

Dalka Burundi oo ay hadda xiisado colaadeed ka taagan yihiin, ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia, iyadoo dhowr jeer oo hore ay Somalia booqasho ugu yimaadeen madaxda sare ee waddanka Burundi.

Ugu dambeyntii, kulanka waxaa goob-joog ka ahaa ku-simaha RW Somalia, ahna wasiirka cadaalada, C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Cali Kadiye iyo xubno kale oo ka socday labada dal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya