4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
Jaamacadda Banaadir iyo Xarunta Abe-UK oo yeelanaya iskaashi Waxbarasho (SAWIRRADA)

Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Waxaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu daah-furayey iskaashi cusub oo dhinaca waxbarashada ah kaasoo ay yeelanayaan Jaamacadda Banaadir qeybteeda taqasuska iyo xarunta caalamiga ah ee Association of Business Executives (abe) oo fadhigiisu yahay wadanka Britain.

Munaasabadan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir, wakiilo ka socday bangiyada wadanka ka jira qaarkood arday iyo marti-shafar kale.

Wakiilka xarunta ABE u jooga Soomaaliya Axmed Cismaan Maxamed oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sharraxaad dheer ka bixiyay waxa ay tahay xarunta ABE iyo iskaashiga cusub ee Jaamacadda Banaadir ay la yeelatay.

“ABE waa urur waxbarasho oo ka jira wadanka Britain shaqadiisu waxay tahay inuu ardayga dhameystay Jaamacada ka dhiso sidii uu u noqon lahaa xirfadyahan ku shaqeysan kara aqoonta uu soo bartay, waxayna ABE bixineysaa shahaado laga aqoonsan yahay wadanka Britain iyo caalamka oo dhan” ayuu yiri Axmed Cismaan.

Waxaa uu sheegay in ururkan la aasaasay afartan sano ka hor, ayna shahaadooyin ka qaateen mudadii uu jiray dad tiradoodu gaarayso hal milyan, isagoo tilmaamay in ABE ay ka howlgasho 80 wadan, ayna xiriir iskaashi oo waxbarasho la leedahay 350 Colegge iyo 80 Jaamacadood oo caalamka ku baahsan.

Axmed Cismaan Ma'xed ayaa intaa ku daray in Jaamacadda Banaadir ay tahay jaamacadii saddex Somalia ee iskaashi waxbarasho la sameysa ABE, wuxuuna ardayda munaasabadan soo xaadirtay u sharaxay sida iskaga diiwaan gelin karaan ABE & qaabka ay duruusta u qaadan doonaan, isagoo ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey mowduucan.

Hormuudka kuliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Banaadir C/raxiin C/qaadir Xasan oo munaasaban hadal ka kooban ka jeediyey ayaa sheegay in muddo lix bilood ah ay ka shaqeynayeen isaga iyo masuuliyiin kale sidii uu hirgeli lahaa iskaashiga waxbarasho ee jaamacada Banaadir iyo xarunta ABE, wuxuuna ka waramay muhiimada weyn ee ay leedahay shahaadada ay bixineyso.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maamulka ee Jaamacadda Banaadir Prof. C/raxmaan Xasan Cumar ayaa isna munaasabada ka sheegay inuu ku faraxsan yahay daah-furka iskaashiga waxbarasho ee u bilowday Jaamacadda Banaadir iyo xarunta ABE.

“Jaamacada Banaadir oo ka duuleysa baahida aqooneed ee ardaydeeda waxay ku guuleysatay iney xiriir iskaashi la yeelato xarunta ABE ee wadanka Britain oo bixisa waxbarasho soconeysa muddo kooban iyo shahaado caalami ah oo muujineysa in ardayga jaamacadeena ka baxay uu yahay xirfad yahan tayo leh oo sidii loogu talo galay ugu shaqeysan kara aqoonta la baray” ayuu yiri gudoomiye ku-xigeenka oo u hambaleeyey intii ka soo shaqeysay xiriirka jaamacada iyo ABE, wuxuuna ugu baaqay ardayda ka baxday jaamacada iney ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah.

Intii munaasabadan ay socotay ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Banaadir ee dhinaca waxbarashada Khaliif Muuse Warsame, wakiilo ka kala socday Bankiyada IBS iyo Premier Bank iyo xubno kale kuwaasoo ku dheeraaday faaiidooyinka ay leeyihiin fursadaha noocan ah oo ay sheegeen in Soomaaliya ay aad ugu yar yihiin, loona baahan yahay in laga faaiideysto.

Ugu dambeyn, Jaamacada Banaadir oo ka mid ah Jaamacadaha Somalia ka jira kuwooda ugu waaweyn ayaa sanadahan dambe ku talaabsaneysay horumaro kala duwan oo sare loogu qaadayo tayada iyo aqoonta ardayda wax ka barata. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya