4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
Dagaal Culus oo Ciidanka Puntland iyo Xoogagga Al-shabaab ku Dhexmaraya Gobolka Nugaal


Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab oo dhawaanahan ku sugnaa deegaanno ku yaalla xeebaha-bari ee Puntland ayaa goor-dhow ka qarxay deegaanka Garmaal oo ka tirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Wararka aanu ka helayno Wariyaheenna Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku warrramaya inay dagaalladu billowdeen markii ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen xoogaga Al-shabaab ee deegaankaas ku sugnaa tan iyo habeen hore.

“Muddo kooban ka hor ayaa waxaa dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Al-shabaab u dhexeeya ayaa goor-dhow ka qarxay deegaanka Garmaal oo ka tirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal,” ayuu yiri wariyaheenna gobolka Mudug.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay, iyadoo dagaalkan uu imaanayaa iyadoo ciidammo fara badan oo ka Puntland ay saaka u Ruuqaansadeen dhanka deegaannada ay Al-shabaab soo galeen.

Wixii warar ah ee dagaalkan ku saabsan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya