4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
Qeylo Dhaan Ka Timid Xukun Lagu Riday Soomaali Burcadbadeednimo Loo Heysto

Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL)-Qareen Cabdillahi Faarax Qaarey oo ah qareen Soomaaliyeed oo daggan dalka Ingiriiska ayaa warbaahinta u sheegay inuu khalad yahay xukun labo nin oo Soomaaliyeed maxkamad Belgium kutaalo ku xukuntay falal ay sheegtay inay ku heshay oo ah burcad badeednimo dartood.

Qareen Cabdillahi Faarax Qaarey ayaa sheegay in muwaadin Soomaaliyeed ay tahay in lagu xukumo ama lagu maxkamadeeyo halkii uu dambiga ku galay isla markaana nimankaa laga soo afduubay dalkoodii si aan sharci ahayn ama lagu soo siray in la keeno Belgium.

Mid ka mid ah labadaa nin oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xassan Afweyne oo lagu xukumay 20 sano oo xarig ah  ayaa sanadkii 2013 waxaa lagu soo siray inuu jili doono filim kusaabsan burcadbadeednimo sidaa ayaana sida warka loo dhigay lagu keenay Belgium.Maxamed Cabdi Xassan Afweyne  ayaa lagu eedeeyay dabadeedna maxkamad lagu soo taagay inuu hoggaaminayay burcad badeed afduubtay markab laga leeyahay Belgium oo lagu magacaabo Pompei sanadkii 2009.

Ninkaa ayaa sidoo kale waxay QM tilmaantay inuu burcad badeeda awood badan dhexdooda kulahaa. Ninkaas oo 58 sano jir ah ayaa maxkamad kutaala magaalada Bruges ee dalkaasi Belgium waxay Isniintii lasoo dhaafay ku riday xukunka 20ka sano ah kadib markii ay sheegtay inay ku heshay dambiga ah inuu afduubtay markabkaa Pompei oo marayay badda Soomaaliya isla markaana kusii jeeday wadanka Koofur Afrika.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay inay ku heshay jirdil uu u geystay shaqaalihii markabka oo burcad badeed ay heysteen muddo ka badan 70 maalmood. Waxaa la sheegay in lasii daayay shaqaalahaas kadib markii la bixiyay lacag madax furasho ah oo dhan qiyaas ahaan €2m.

Ninka kale oo asna lala xiray Afweyne laguna magacaabo Maxamed Cabdullahi Aden (Tiicey) oo ahaa madaxweynihii hore ee Ximin iyo Xeeeb ayaa maxkamadu sheegtay inuu kulug lahaa burcad badeednimada isla markaana waxay ku xukuntay shan sano oo xarig ah.


Xafiiska Wararka ee
Hiiraan Online ee
Magaalada Nairobi, Kenya.