4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
Ra’iisul Wasaare Somalia oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Talyaaniga Matteo Renzi (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku jooga Talyaaniga, ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay dhiggiisa waddanka Talyaaniga, Matteo Renzi, waxayna kulankooda kaga hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo xoojinta iskaashiga labada dawladood.

Sharma’arke ayaa uga mahad-celiyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga Matteo Renzi casuumaada uu u fidiyay, isagoo intaas kaddib warbixin kooban ka siiyay xaalada Somalia iyo horumarka la sameeysey ee la xiriira dhanka amniga, dhismaha maamullada, dib u heshiisiinta, maamul-wanaagga iyo dib-u-eegista dastuurka Qaranka.

Dhanka kalena, RW Talyaaniga, Matteo Renzi ayaa Ballan-qaaday inay is-garab-taagayaan Somalia, isla markaana ay ka caawini doonaan soo celinta nabad-galyada iyo sidii Somalia ay mar-kale cagaheeda isugu taagi lahayd.

Ugu dambeyn, Sharma’arke iyo Renzi ayaa isku waafaqay in la abaabulo shirka iskaashiga ganacsiga Soalia iyo Talyaaniga, si kor loogu sii qaado xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya