4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
Wasaarada Dastuurka Somalia oo shir dib loogu eegayo Dastuurka ka furtay Baydhabo (SAWIRO)

Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay ka furay Magaalada Baydhabo shirka looga hadlayo dib u eegista dasuurka oo ay ka qayb-galayaan mas’uuliyiinta DF Somalia iyo iyo maamulka Koonfur-galbeed.

Furitaankii kulanka ayuu Shariif Xasan ka sheegay in dib u eegista dastuurka ay tahay mid aad muhiim u ah, isla markaana ah waddada keliya ee looga bixi karo dhibaatada dalkeena ka jirta, loona heli karo midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa intaa ku daray inay si inay si buuxda u soo dhawenayaan hannaanka dib u eegista arrimaha dastuurka dalka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Somalia, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ujeedku yahay sidii aragtida shacabka Soomaaliyeed loo uruurin lahaa, si dib loogu soo dhigo shacabka, isgaoo xusay in deegaanada maamul-goboleedyada lagu qaban-doono shirar kan la mid ah oo looga hadlayo dib u eegista dastuurka

Guddoomiyaha guddiga la socodka dastuurka ee baarlamaanka FS, xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim ayaa sharraxday cutubyada dib u eegista lagu sameeyay iyo wayaabaha dhiman, waxayna xustay in shacabka laga tala-gelin doono dib u eegistan dastuurka dalka.

Dhinca kalena, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo Hir-gelinta Dastuurka, Dr. Maxamed Dahir Afrax ayaa isna tilmaamay muhiimada uu leeyahay la-tashiga bulshada, isagoo xusay inay tahay saddex arrimood oo kala ah Warbixin. Wacyi-gelin iyo La-tashi ay sameyayaan, kuwaasoo laga maarmaan u ah helidda dastuur dhameystiran oo Soomaali leedahay.

Ugu dambeyn, Wasaaradda arrimaha dastuurka Somalia, guddiga la socodka baarlamaanka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hir-gelinta dastuurka ayaa kulammo la-tashi ah horay ula yeeshay ururrada haweenka, dhallinyarada, culumaa’udiinka, odayaasha iyo xildhibaanada iyo maamul goboleedka Koonfur-galbeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya