4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2016
Ciidamada Puntland oo Kuwajahan Garacad

Arbaco, Maarso 16, 2016 (HOL) – Ciidamada Puntland  ayaa u dhaqaaqay dhanka Gracad oo doraad maqribkii ay la wareegeen maleeshiyooyin ka tirsan xarakada Alshabaab.

Sida laga soo xigtay saraakiil sarsare oo ka tirsan Puntland dableyda ayaa ayaga oo aad u hubeysan doomo kuyimid deegaankaa isla markaana isbaaro ka samaystay halkaa arintaasoo dabadeed cabsi galisay boqolaal ka mid dadkii halkaa kunoolaa oo dabadeed jaanta rogay maalintii isniinta ahayd ee lasoo dhaafay abbaare maqribadii.

Imaatinka ay halkaasi yimaadeed Alshabaab ayaa furtay furin kale oo ah gudaha Puntland ayadoo la ogsoon yahay in ciidamada Puntland ay weli kula dagaalamaan Alshabaab buuraha Galgala halkaa oo ay fariisimo kuleeyihiin.

 Si kastaba ha ahaatee, weerarkaa halkaa xarakada Alshabaab xoogageedu ku qabsadeen ayaa arin la yaab leh ku noqotay hayadaha dawliga ah ee Puntland  ayadoo haatan ciidamada Puntland ay isu diyaarinayaan kuna sii wajahan yihiin inay dib u qabsadaan magaala xeebeedkaasi Garacad oo dhacda gobolka Mudug.

Ciidamada Alshabaab ayaa ayagu durba jaray isgaarsiintii magaalada markii ay la wareegeen maqribadii maalintii isniinta ahayd ee asbuucaan.

Dhulka Puntland ayaa intiisa badan xasiloonaa intii uu socday dagaalka sokeeye ee halakeeyay qeybo badan oo Soomaaliya kamid ah mudadii 25ka sano ahayd ee lasoo dhaafay.

 

Dib ugu noqoshada warka:

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa dowladda federaalka Somalia ku eedeeyay inay soo abaabushay ciidanka Al-shabaab ee qabsaday Garacad.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Puntland ku abaabulayso kooxo argagixiso ah, iyadoo ku colaadinaysa diidmadii Puntland ee qaadashada habka awood-qaybsiga ee 4.5-ka, ee lagu saleeyay doorashada dalka ka dhici doonta sanadkan dabayaaqadiisa.

"Waad og-tihiin Puntland muddo dheer waxay la dagaallamaysay argagixisada nooc kasta oo ay tahay, balse duullaanka nalagu soo qaaday kama gacanta marna dowladda federaalka Soomaaliya," ayuu yiri wasiir Qarjab.

 

Sidoo kale, Wasiirka Ammaanka maamulka Puntland ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay arintaan uga dan leedahay inay ku carqaladayso doorashooyinka Soomaliya la filayo inay ka dhacaan sanadkan 2016-ka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga ayaa sheegay in shacabka Puntland iyo maamulkooda ay isdifaaci doonaan, isagoo shacabka ugu baaqay inay ammaanka Puntland ka shaqeeyaan.

 

Xafiiska Wararka ee
Hiiraan Online ee
Magaalada Nairobi, Kenya.