4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2016
SAWIRRO: Ruushka oo Maanta Qaybtii koowaad ee Diyaaradihiisa DAGAALKA kala baxay Suuriya

Talaado, Maarso 15, 2016 (HOL) — Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka, ayaa sheegtay Talaadada maanta ah inay billowday inay qaybihii ugu horreeyay diyaaradaheeda dagaalka ay ka daad-gureyso Suuriya, kaddib muddo shan bilood iyo bar ah oo ay ka waday Dalkaas duqeymo ka dhan ah ISIS iyo kooxaha dagaalada kula jira xukuumadda Bashar Al-Assad.

Tallaabadaan ayaa daba-socota hadal uu Isniintii shalay jeediyay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin kaasoo ahaa inuu kala baxayo Dalka Syria inta badan ciidamadii ku sugnaa Suuriya iyo weliba qalabkiisa millateri.

Qaybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka Ruushka, ayaa maanta ka duulay saldhigga Millateri ee Hmeymim oo ku yaalla Gobolka Latakia ee Waqooyiga Dalka Suuriya, iyagoo dib ugu laatay ku waddanka Ruushka.

“Ciidamadeenna inta badan waan ka saaraynaa dalka Suuriya, Waayo hadafkii loo geeyay halkaas guulo waaweyn ayay ka gaareen,” ayuu Puntin ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay Isniintii shalay ahayd.

Ergayga Qaramada Midoobay ee dalka Syria, Staffan de Mistura ayaa tallaabada uu qaatay madaxweyne Putin amaanay, isagoo xusay in go’aankan uu yahay mid dhanka wanaagsan u riixaya wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka Suuriya.

Sidoo kale, danjiraha QM ee Angola, Ismael Gaspar Martins oo haya xilka wareegtada ah ee hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM ayaa isagana sheegay in tallaabada Ruushku uu ciidankiisa ugala baxayo Suuriya iyo wada-hadallada uga furmaya dhinacyada isku haya dalkaas ay natiijo wanaagsan horseedi doonaan.

“Marka aan fiirinno ciidamada ka baxaya Suuriya, Macnaheedu waa in tallaabadii dagaalka mid ka duwan la qaatay. waana mid wanaagsan,” ayuu ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay danjire Ismael Martins.

Dhanka kale, Warbixin maanta laga soo saaray Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Barack Obama uu ugu yeeray Madaxweynaha Ruushka, si ay uga wada-hadlaan sida horumar looga gaari karo wadahadallada dhinacyada isku haya Suuriya, kaddib go'aankii Ruushka ee ahaa inay ciidamadooda kala baxayaan waddanka Suuriya.

Xukuumadda Damascus ayaa iyana warbixin ay maanta baahisay ku sheegtay in go’aanka uu Ruushanku ciidamadiisa ugala baxayo Suuuriya uu yahay mid ay heshiis wadajir ah ku gaareen. Inkastoo ay xuseen in markii Ruushka ay saldhigga ka Sameysanayeen dalkooda uu sheegay inuusan weligii ka bixi doonin.

Warbixin lasoo dhigay shabakadda madaxtooyada Ruushka ee Kremlin-ka ayaa lagu xusay in madaxweynaha Ruushanka, Vldimir Putin uu sheegay inay tallaabada ay ciidankiisa uga soo rarayo Suuriya aysan ahayn inaysan la micno inuu dhamaaday dagaalkii iyo taageeradii ay xukuumadda Al-Assad la garab-taagnaayeen, ayna sii wadi doonaan taageeradaas.

Danjiraha Ruushka ee QM Vitaly Churkin ayaa isagana shalay xusay in go’aanka Ruushku uu ciidamadiisa ugala baxayo dalka Suuriya ay tahay sidii la isugu dayi lahaa in Colaadaha Suuriya lagu xalliyo qaab nabadeed oo aan ahayn colaad.

Ugu dambeyn, afhayeenka mucaaradka dalka Suuriya oo lagu magacaabo, Salim al-Muslat ayaa sheegay inay dhankooda soo dhaweynayaan go’aanka uu Putin ku doonayo inuu Syria uga saaro ciidamadiisa, isagoo sheegay inuu yahay mid jihada wanaagsan loo qaaday, ayna gacan ka geysan karto in colaadda Suuriya xal waara laga gaaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya