4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2016
DANJIRE MADEIRA: Dhibaatada ay geysato Al-shabaab ma saameynayaan Soomaaliya oo keliya


Talaado, Maarso 15, 2016 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, ahna madaxa Hawl-galka ciidamada AMISOM, danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalka AMISOM ee Somalia iyo howlaha doonayaan inay qabtaan sannadkan.

Danjire Francisco Madeira ayaa xusay in halista Al-shabaab aysan ahayn mid la dhayalsan karo, isagoo intaa raaciyay in dagaalkan ka dhanka ah Al-shabaab uu yahay mid caalami ah oo aan saameyn ku yeelanayn Somalia oo keliya, balse ay saameyn karto Dunida oo dhan.

“Ma ahan mid aanu dhayal-san karo halisaha is-daba-joogga ah ee shacabka iyo ciidamada Somalia ay kala kulmayaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab. Dagaalka Al-shabaab lagula jiro ma ahan mid Somalia oo keliya ku kooban, Argagaxisadu waa halis caalami ah, mana ahan inay ku koobnaanayso gobolka, laakiin Dunida oo dhan ayuu ku baahi karaa,” ayuu yiri danjire Madeira.

Sidoo kale, ergayga ayaa intaas ku daray inuu ku kalsoon yahay in halisaha Al-shabaab ay xakameyn karaan, isagoo tusaale u soo qaatay go’aankii dhawaan ka soo baxay shirkii ka dhacay dalka Jabuuti ee looga hadlay xoojinta iyo tayeynta ciidanka AMISOM ee Somalia ku sugan iyo kuwa dowladda federaalka Somalia.

Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia ayaa sidoo kale wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay arrimaha ku aaddan siyaasadda iyo sugidda amniga, xilliga doorashada la filayo in Somalia ay ka dhacdo dhammaadka sannadkan.

“Diyaar-garowga doorashooyinka la qabanayo sannadkan ayaa ka socda Somalia sida aad la socotaan… waxayna doorashadan Somalia u noqon doontaa tallaabo wanaagsan. Dabcan Al-shabaab waxay isku dayi doontaa inay carqaladeyso doorashada, waxaanse xaqiijinayaa in doorashadu ay qabsoomi doonto. AMISOM waxay la shaqeyn doontaa Dowladda FS iyo xulufadeeda si loo taageero hanaanka doorashooyinka,” ayuu hadalkiisa ku daray Madeira.

Ergayga ayaa mar kale yiri. “AMISOM waxay sii wadi doontaa  inay si dhow ula shaqeyso ciidamada Ammaanka Somalia, si loo xaqiijiyo amniga deegaanada ay doorashooyinku ka dhacayaan.”

Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa dhinaca kale ka hadlay Hawl-galladii ugu dambeeyay ee ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Somalia ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya, isagoo yiri.

“Natiijo wanaagsan ayaanu ka gaarnay hawl-galladeenii ugu dambeeyay ee aan ka fulinnay Gobolka Shabeellada Dhexe, Waxaana Al-shabaab kaga saarnay dhawr deegaan, waana sii wadaynaa hawl-galladeenna illaa aan Al-shabaab uga diidno inay dib isku soo abaabulaan ama u hawl-gallaan. Deegaanada Ceel-cadde, Biyo-cadde iyo Ceel-baraf ayay noloshoodu caadi kusoo laabatay, carruurtuna iskuullo ayay aadaan.”

Ugu dambeyntii, Shirkan jaraa’id ee Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia uu maanta kaga Warbixiyay Hawlgallada AMISOM ee ka dhanka ah Al-shabaab iyo siyaasadda dalka ayaa kusoo beegmaya xilli Al-shabaab ay xalay qabsatay Garacad oo ka tirsan Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya