4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2016
Dowladda North Korea oo Shaacisay Maanta inay Tijaabinayso Gantaalada Xamaara Nuclear-ka


Talaado, Maarso 15, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-Un ayaa maanta sheegay inay dhawaan tijaabin doonaan gantaallada xambaara madaxyada hubka halista ah ee Nuclear-ka iyo kuwa riddada dheer.

Hanjabaada Kim Jong-un ayaa imaanaysa iyadoo xukuumaddiisa ay dhawaan ka bixinayay jawaabo adag cunno-qabteyn ay kusoo rogtay Qaramada Midoobay, iyagoo tan iyo markii xayiraada la saaaray tijaabiyay gantaallo kuwa ridada gaaban ah, waxayna tani u muuqataa farriin loo dirayo dalalka shakiga ka qaba Awoodda Nuclear-ka ee Waqooyiga Kuuriya.

Wakaaladda wararka Waqooyiga Kuuriya ayaa baahisay in madaxweyne Jong-un uu amar ku bixiyay in la isticmaalo hubka Nuclear-ka haddii waddankiisa ay soo food-saarto khatar dhinaca amniga.

Sidoo kale, Wakaaladda wararka ee Waqooyiga Kuuriya ee KCNA ayaa shaacisay maanta in Hoggaamiyaha waddankaas uu tijaabadan ku tilmaamay mid looga gol-leeyahay in lagu sii xoojiyo isku halleynta awoodda Nuclear-ka ee dalkiisa.

“Tijaabada gantaallada xambaara madaxyada hubka Nuclear-ka waa mid aan ku doonayno inaan ku xoojinno awooddeena adeegsiga hubka Nuclear-ka haddii ay khatari soo wajahdo dalkeenna… tijaabada gantaalladanna waxaa xilli dhowr ayaan ku sameyn doonnaa,” ayuu yiri Kim Jong-un, sida ay baahisay wakaaladda KCNA.

Dhanka kale, Waddamada Koonfurta Kuuriya iyo Jabbaan ayaa maanta waxay uga digeen dalka Waqooyiga Kuuriya in tijaabada gantaallada ay sameynayaan, ay noqdaan kuwo xad-gudub ku noqon kara waddamadooda.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Park Geun-Hye ayaa maanta sheegay in in haddii Dowladda Kuuriyada Waqooyi ay sii waddo Tijaabooyinka noocan oo kale ah ay ku keeni karto burbur dhaqso ah oo ku yimaada, wuxuuna ugu baaqay inay beddelaan mowqifkooda tijaabada gantaallada.

“Waxay noola muuqataa tijaabooyinkan ay sameynayso Xukuumadda Waqooyiga Kuuriya mid ay ku daan-daansanayso Beesha Caalamka, waayo waxay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay u horumarin lahayd hubkeeda Nuclear-ka, taasoo ammaankooda khatar weyn ku noqon karta,” ayuu hadalkiisa daba dhigay Park Geun-Hye.

Ugu dambeyntii, xukuumadda Pyongyang ayaa waxay muddo fog bac-rimin iyo horumarin ku wadday hubkeeda Nuclear-ka, taasoo cabsi weyn ay ka qabaan inay Hubkaan adeegsato Mareykanka iyo waddamo kale oo Beesha Caalamka ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya