4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2016
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kulan ay la qaateen Maanta Saraakiil ka socda QM uga waramay HOL


Talaado, Maarso 15, 2016 (HOL) — Saraakiil ka socday xafiiska QM ee Soomaaliya oo uu Hoggaaminayay wakiil ka soday Danjiraha QM, ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Beledweyne duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee deegaanka Ceel-jaale oo ku yaalla dulleedka Beledweyne, ayaa waxaa ka qeyb-galay duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo kala hadlay saraakiishii Qaramada Midoobay aragtidooda ku aadan siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan, sida uu HOL u sheegay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa intaas ku darray in si wadajir ah ugu sheegeen saraakiishii ay la kulmeen in marka hore kulan dib-u-hishiisiin ah loo qabto bulshada ku nool Gobolka, madaama muddo dheer bulshadu aysan fursad u helin inay arrimaha dhaxdooda ah kawada hadlaan.

''Maamul waxaa la dhisi karaa marka bulshadu is-ogoshahay, sidaas darteedna saraakiisha QM waxaan ka dalbannay - in marka hore kulan dib-u-hishiisiin ah loo qabto beelaha ayna kawada hadlaan arrimaha dhax-dooda ah, waqtigii la doono ayuuna kulanku qaadan karaa, markaa kaddib ayaa laga wadahadli karaa dhisme maamul, inta ka horreysana wax jiri kara ma lahan,'' ayuu yiri Ugaas Xasan oo hadalkiisa ku daray in mowqifka iyo rabitanka ay hor dhigeen saraakiisha QM uu ahaa midkaas.

Ugaas Xasan, oo si gaar ah ula hadlay HOL, ayaa sheegay in marka maamul la dhisayo loo baahan yahay in tallada lagu soo celiyo gacmaha bulshada sameynaya maamulka.

''Marka la leeyahay 4.5, dabcan waxa laga hadlayo waa qabiil, bulshada ayaana laga rabaa inay go'aannadooda gaaraan ee ma aha in go'aanka loo gaaro. Sidaa daraadeed waa in loo ogolaadaa dadka inay wada-hadlaan, fursadna isku helaan, isna cafiyaan, dib-u-hishiisiin laga dhax-abuuro, markaas kaddib ayaa laga hadli karaa dowladnimo iyo maamul,” ayuu hadalkiisa ku daray Ugaas Xasan Ugaas.

Sidoo kale, Ugaaska ayaa xusay in shirka labada dhinac - duubabka dhaqanka iyo xubnaha QM uu kusoo dhammaaday is-faham, madaama ujeeddada kulanka laga lahaa oo kaliya ay ahayd in saraakiisha QM ay dhageystaan dareenka bulshada ay wakiilka ka yihiin dubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa imaanaya xilli khilaaf uu ka tagan yahay qorshaha dhismaha maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan & Shabeellada dhexe, kaddib markii ay dhawaan si wadajir ah u qaadaceen shirka Jowhar duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya