4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2016
Wasiirka Amniga Puntland: Duullaanka nalagu soo qaaday kama gacan marna DFS (Dhageyso)


Talaado, Maarso 15, 2016 (HOL) — Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa dowladda federaalka Somalia ku eedeeyay inay soo abaabushay ciidanka Al-shabaab ee qabsaday xeebaha Bari ee Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Somalia ay Puntland ku abaabulayso kooxo argagixiso ah, iyadoo ku colaadinaysa diidmadii Puntland ee qaadashada habka awood-qaybsiga ee 4.5-ka, ee lagu saleeyay doorashada dalka ka dhici doonta sannadkan dabayaaqadiisa.

"Waad og-tihiin Puntland muddo dheer waxay la dagaallamaysay argagixisada nooc kasta oo ay tahay, balse duullaanka nalagu soo qaaday kama gacanta marna dowladda federaalka Soomaaliya," ayuu yiri wasiir Qar-jab.

DHAGEYSO: Shirka Jaraa'id ee Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qar-jab;

Sidoo kale, Wasiirka Ammaanka maamulka Puntland ayaa xusay in dowladda federaalka Somalia ay arrintaan uga dan leedahay inay ku car-qaladayso doorashooyinka Somalia la filayo inay ka dhacaan sannadkan 2016-ka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga ayaa sheegay in shacabka Puntland iyo maamulkooda ay is-difaaci doonan, isagoo shacabka ugu baaqay inay amaanka Puntland ka shaqeeyaan.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya