4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2016
Faahfaahin: Al-shabaab oo qabsaday Deegaanada Gara-cad, Kulub iyo Gar-maal (DHAGEYSO)
Talaado, Maarso 15, 2016 (HOL)


Talaado, Maarso 15, 2016 (HOL) — Ciidamadii ka tirsanaa ururka Al-shabaab ee xalay la wareegay deegaan xeebeedka Gara-cad ee gobalka Mudug ayaa isaga baxay Deegaankaas, iyagoo u raqaanasaday dhinaca degmada EYL oo ka tirsan gobalka Nugaal.

Ciidamadaan oo watay markii ay soo galayeen deegaanka xeebedka Garacad lix doomood oo kuwa waaweyn ah oo ay horay u Af-duubteen, ayaa markii ay u galeen gudaha Garacad ayaa waxay hawada ka saareen Isgaarsiinta, iyadoo aysan jirin cid ay dhib u gaysteen intii ay deegaankaas ku sugnaayeen.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaan xeebeedka Garacad oo aan xiriir la sameynay ayaa yiri. "Waxay noo sheegen markii ay noo yimaadeen, inay yihiin walaalo muslimiinta ah, oo aanan wax dhib ah wedin, alaabo ayayna deegaanka ka iibsadeen."

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray. "Waxayna na-weydiisteen gaadiid iib ah, waxayna noo sheegeen inay u socdaan dhinaca Bari ee Puntland oo aysan nagu soo laaban doonin."

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka gobalka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur-yare, ayaa xusay inay saakay ku waabiristeen deegaanka Kullub, ayna kasii dhaqaaqeen.

DHAGEYSO: Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug oo Arrimahaan ka Hadlay;

"Saakay, waxay quraac ku sameysteen deeganka Kulub, ka maamul ahaan weli ma fahmin doontooda. Dadka deegankana waxay leeyihiin maamul iyo ehel aysan taageero ka helayn, waxaana ku guda-jirnaa ogaansha ujeeddadooda dhabta ah,” ayuu intaas ku daray Axmed Muuse.

Guddoomiyaha degmada EYL ee Gobolka Nugaal, Muuse Cismaan Yuusuf ayaa isagana sheegay inay shacabka deegaanka Garmaal ay u soo sheegeen inay soo gaareen hordhaca ciidamada Ururka Al-shabaab, wuxuuna Puntland ka codsaday in la bad-baadiyo shacabka deegaannadaas ku nool.

"Dadka deegaanka oo nala soo hadlay waxay noo sheegen, inay na soo gaaren Ciidan aad hubeysan oo ay u malaynayaan inay Al-shabaab yihiin,Hayse,ahaate hada waxaan ku guda jirna Barintaanka Arintaasi".

Ugu dambeyn, ma jirto waxaa khasaaraha oo ay gaysateen ciidanka Al-shabaab intii ay ku gudo-jireen qabsashadooodii xalay ee xeebaha bari ee Puntland.

Abaadir C/qaadir cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya