4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2016
Ururka Midowga Yurub oo shaacisay in uu hakad geliyay Gar-gaarradii uu siin jiray dalka Burundi


Talaado, Maarso 15, 2016 (HOL) — Midowga Yurub ayaa shaaciyay inay joojiyeen gabi ahaan kaalmadii ay siin jireen dowladda Burundi, iyagoo u sababeeyay go'aankan inay ku guul-darreysatay xukuumadda Bujumbura joojinta colaadda ka socda wadankeeda iyo xad-gudubyo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo ay ku kacday.

Burundi ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkii hore ka taagnaa colaado u dhexeeya ciidamada amniga dalkaas iyo xoogag mucaarad ah, iyadoo colaadda ka taagan Burundi ay ku naf-waayeen in ku dhow 500-qof oo rayid u badan.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza inuu mas’uul ka yahay dagganaasho la’aanta dalkiisa ka jirta, waxayna kaloo ku eedeeyeen inuu ku guul-darreystay inuu ilaalo dastuurka u yaalla dalkiisa iyo xuquuqda aadanaha.

“Colaada ka socota dalka Burundi ayaa weli ah mid uu aad uga walaacsan yahay Midowga Yurub,” ayuu yiri madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini.

Mas’uulkan u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aanka ay ku joojiyeen deeqihii ay sii jireen Burundi uu soo noqon karo oo keliya markii la fuliyo gabi ahaan arrimaha la doonayo inay xukuumaddu wax ka qabto.

Go’aanka Midowga Yurub ay ku joojiyeen gargaarkii ay siin jireen Burundi ayaa wuxuu yimid kaddib markii ay kulan ku yeesheen 28-ka waddan ee ururkan uu ka kooban yahay magaalada Brussels ee xarunta Ururka Midowga Yurub.

Dhanka kale, gargaarka uu Midowga Yurub siinayay dalka Burundi ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa 480-milyan oo doollar, iyadoo go’aanka looga jaray kaalmada uu noqonayo mid saameyn xooggan ku yeesha horumarka Burundi.

Xukuumadda Burundi oo ka hadashay go’aanka Midowga Yurub uu kaalmadii uga jaray ayaa sheegtay inay ahayd tallaabo laga filayay inuu ururku qaado, waxayna ku yiraahdeen qoraal ay soo saareen in go’aankan uusan ahay mid ay la yaabeen.

“Go’aanka Ururka Midowga Yurub naguma ahan wax layaab leh. Waayo waanu filaynay in go’aankan ay qaadan doonaan, iyagoo cuskanaya xaaladda amni iyo arrimaha xuquuqda aadanaha,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeeday dowladda Burundi ay soo saartay.

Ugu dambeyn, waa markii ugu horreysay oo Midowga Yurub uu kaalmadii ka jaro dalka Burundi tan iyo markii uu dalkaas ka baxay colaadihii sokeeye sannadkii 2005-tii, xilligaas oo la dhisay xukuumadda talada haysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya