4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 15, 2016
Khasaare kala duwan oo ka dhashay rasaas dhex-martay ciidamada badda Somaliland iyo Jabuuti


Talaado, Maarso 15, 2016 (HOL) — Is-rasaasayn sababtay hal askari oo dhimasho ah iyo laba qof oo rayid ah oo ku dhaawacmeen ayaa shalay dhexmaray ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland iyo ciidanka ilaaladda xeebaha Jabuuti.

Is rasaaseyntan ayaa ka dambeeyey ka dib markii ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland oo saarnaa laba markab oo kaluumaysi ay rasaas isku waydaarsadeen ilaaladda xeebaha Jabuuti wakhtigaasi oo markabka kalluumaysigu ku sugnaa meel u dhexeysa jasiiradda Sacadadiin iyo dekadda Seylac.

Labada markab ee kaluumaysiga ah ayaa laga leeyahay dalka Masar, isla markaana rusqad ka haysta wasaaradda Kaluumaysiga Somaliland, waxaanay rasaastaasi lagu soo furay sababtay inuu halkaasi ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland, halka laba qof oo ka tirsan shaqaalaha Markabkan kalluumaysiga ah ku dhaawacmeen,kuwaas oo la sheegay inay kas oo jeedaan dalka Masar.

Illaa hadda labadda dhinac midkoona kama hadal dhacdaddan, haseyeeshee mar aanu isku daynay in aanu xidhiidh la samayno taliyaha ilaaladda xeebaha Somaliland way noo suuro-gali wayday ka dib markii uu telefoonkiisa gacanta uu qaban waayey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland