4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2016
Kooxda Al-shabaab oo xalay qabsatay deegaanka Garacad iyo Is-gaarsiintii oo Hawada ka Maqan

Talaado, Maarso 15, 2016 (HOL)-Isgaarsiinta magaalada Garacad oo kutaala Puntland isla markaana saaran xeebta badweynta Hindiya ayaa weli saaka hawada ka maqan kadib markii xalay ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan xarakada Al-shabaab.

Deegaankaa Garacad ayaa dhaca Gobolka Mudug, qeybta hoos tagta dawlad goboleedka Puntland. Dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ay halkaa maqribnimadii xalay qabsaday. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dableyda Al-Shabaab ay halkaa ku galeen doomo ayadoo la tuhmayo in xubnaha Alshabaab ee deegaankaa gacan kuheyntiisa la wareegay ay ka yimaadeen deegaanka Xarardheere oo isla gobolka Mudug ka tirsan.

Wararku waxay intaa ku darayaan in dagaalyahanadaasi Alshabaab ee halkaa galay ay tiradoodu gaareyso boqolaal.

Si kastaba ha ahaatee maalmihii lasoo dhaafay ayaa isgaarsiinta koofurta Mudug ay hawada ka maqnayd meelaha qaar taasoo la shaagay inay ugu wacnayd dhaqdhaqaaqyo xooggan oo Alshabaab ay goobahaa ka wadeen.

Dadka kunool Garacad ayaa xaqiijiyay joogitaanka Alshabaab ee magaaladaasi inkastoo aysan noo suurta galin inaan wax war ah ka helno dhanka dawlad goboleedka Puntland.

Deegaanka Garacad ayaa ka tirsan degmada Jariiban ee Gobolka Mudug. Tobankii sano ee lasoo dhaafay ayaa deegaankaas uu ahaa mid aad u ballaartay isla markaana soo camirmay.

Waa markii u horeysay ee Al-Shabaab ay qabsadaan deegaan ka tirsan Puntland, marka laga reebo dagaalyahano taabacsan Al-Shabaab oo saldhigyo ku leh buuraleyda Galgala, halkaasoo dhowr jeer oo hore uu dagaal ku dhex maray ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab.

Si kastaba, ninkii hoggaamin jiray Alshabaabka buuraha Galgala Maxamed Saciid Atom ayaa ugu dambayntii galay gacanta Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii bartamihii sannadkii 2014-kii uu isu soo dhiibay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

DIB UGU NOQOSHADA WARKA:

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u xaqiijisay in ay Dowladda Qatar ogolaatay inuu dalkeeda magangelyo ahaan ugu noolaado hoggaamiyehaasi hore ee Alshabaabka ka dagaalama buuraha Galgala, Maxamed Saciid “Atom” .  

Dhinaca kale, QM waxay Maxamed Saciid “Atom” ka qaaday xayiraada socdaalka oo saarnayd.

Hoggaamiyahaa hore ee Alshabaabka ka dagaalama buuraha Galgala ayaa bilowgii bishaan gaaray caasimada dalkaasi Qatar ee Doha.

Maxamed Saciid 'Atom' ayaa ugu dambayntii aad uga soo horjeedsaday dagaalka Alshabaab ku hayaan dawlada Soomaaliya isla markaana si mutuxan u cambaareeyay hawlgallada Alshabaab ee ka dhanka ah ciidanka dawlada iyo AMISOM.

Dowlad-gobaleedka Puntland waxay horay Dawlada Federaalka ah uga codsatay in loo soo gacan galiyo hoggaamiyahaas oo ay ku eedeysay inuu ka dambeeyey weeraro ay maleeshiyadiisu ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Xafiiska Wararka, Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya