4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2016
Go'aano laga soo saaray shir aan caadi ahayn oo Muqdisho ka Socday Muddo dhawr Maalmood ah


Talaado, Maarso 01, 2016 (HOL) — Kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada Somalia uga socday Muqdisho saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uuna Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, isla markaana loogu kuur-galayay Xaaladda Ammaan ee dalku ku sugan yahay ayaa maanta laga soo saaray go’aanno dhawr ah.

Waxaa lagu sheegay go’aannada kasoo baxay shirkan in la isku raacay baahida loo qabo in hoos loo daadajiyo sugidda Amaanka dalka, sidii ay horeba u ahaan jirtay iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed inay kaalin ka qaataan sidii Ammaanka loo sugi lahaa, loona helo isla xisaabtan dhab ah.

Haddaba, Go’aannadii kasoo baxay Shirkaan ayaa Waxay u Qornaayeen Sidaan;

1. Waxaa la dajiyay Qorshe dhammeystiran oo lagu sugayo Ammaanka iyo Nabad-galyada guud ee dalka, gaar ahaana caasimadda dalka ee Muqdisho.

2. In talisyada ciidamada Nabad-gelyada, sida Booliiska iyo Nabad-sugidda ee Heer Gobol, fadhigooduna yahay gobolka Banaadir (Muqdisho) ay si toos ah ula shaqeeyaan Maamulka gobolka Banaadir, iyagoo ku hawlgalaya amarrada maamulka si loo adkeeyo Amniga guud ee magaalada Muqdisho.

3. Si loo fuliyo qoshaha nabadeynta iyo Xasalinta guud ahaan dalka, gaar ahaan Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa la mamnuucay;

 

• In Ciidan aan ahayn kuwa loo Qoondeeyey degmo kasta, aanay wax Hub ah oo aan shaqo la og-yahay lagu qabaneyn ku dhex-qaadan karin Degmooyinka Gobolka Banaadir.

• In Ciidanka ilaalada u ah Wasiirada, xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka Somalia ay sitaan lagu aqoonsado oo u gaar ah.

• In Ciidamada iyo hubka ay leeyihiin Shirkadaha Amaanka ee Gaarka loo leeyahay ay iska diiwaan-geliyaan Wasaaadda Amniga Gudaha, Haddii ay Dhaq-dhaqaaqyo sameynayaanna ay ku Wargeliyaan Maamulka Degmada ay ka baxayaan iyo Degmada ay Tagayaan.

• Guud ahaan Dalka, Waxaa ka reebay haysashada Hub sharci-darro ah oo aan ka Diiwaan-gashanayn Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

• Golaha wasiirada Somalia waxay isla garteen in dib-u-dejin loo sameeyo barakacayaasha, iyadoo lala kaashanayo Hay’adaha Caalamiga ah ee Somalia ka Hawlgala, si ay uga Qayb-qaataan horumarka iyo nabad-gelyada dalka.

BAAQ: Ugu dambeyntii, Waxaa Guud ahaan loogu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, in ay Taageeraan, gacana ka geystaan qorshaha dowladdu ku sugeyso amniga iyo xasilinta guud ee dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya