4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2016
Galmudug oo ka Hadashay Dagaal ay Al-shabaab kula galeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug


Talaado, Maarso 01, 2016 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa Guulo ka sheegtay dagaal ay Maanta Xoogag ka tirsan Al-shabaab kula galeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug, iyagoo War-saxaafadeed ay soo saareen Caawa ku sheegay inay deegaanadii ay dagaalladu ka dhaceen ay ka saareen Al-shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan (Masa-gawaa) oo ku Saxiixnaa War-saxaafadeedka ayaa sheegay in Ciidamada Galmudug ay Maanta Dagaal ku qaadeen Xoogag Al-shabaab ka tirsan ku dhuumaaleysanayay Agaagaarka deegaannada Caad iyo Ceel-Cabdi oo dhawaan laga saaray.

“Maamulka Galmudug in muddo ah wuxuu waday dadaal lagu sugayo Ammaanka guud ee Deegaannada uu ka taliyo, iyadoo taas laga duulayo ayay Ciidamada maamulka Galmudug ayaa maanta qaaday dagaalo ay guulo ka soo hoyeen, kuwaasoo Al-shabaab looga Sifeeyay deegaannada Caad iyo Ceel-Cabdi oo ay dhawaanahan isku urursanayeen, si ay u weerarro ugu soo qaadaan Deegaannaadaan oo horay looga laga Fara-maroojiyay. Guushii Maantana waxay kalsooni gelineysaa shacabka deegaanka,” ayuu Wasiirka Warfaafinta Galmudug ku yiri war-saxaafadeedka ay caawa soo saareen.

Sidoo kale, Wasiirka Masaga-waa ayaa intaas ku daray. “Maamulka Galmudug ee Somalia Waxay Go’aansadeen in dagaal culus lagu qaado Kooxaha Argagaxisada ah, si loogu diido goobo ay ku dhuuntaan. Sidaas awgeed Ciidamada Galmudug oo kaashanaya Shacabka ku nool Deegaannadaas ayay ka War-heleen in Al-shabaab ay isku Abaabulayaan inay Dagaal kusoo qaadaan deegaannadii laga saaray.”

Wasiirka ayaa intaas raaciyay in Ciidanka Galmudug oo kaashanaya dadka Deegaannadaas ay Go’aansadeen inay Duullaan ku Qaadaan, kaasoo si guul leh kusoo Dhamaaday loogana saaray Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ee ay ku dhuumaaleysanayeen.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug ayaa shacabka Galmudug wuxuu ugu baaqay inay Ciidamada la shaqeeyaan si Amniga Deegaannadooda loo sugo. Wuxuuna Baaq kale u diray Dhallinyarada ka Tirsan Al-shabaab, isagoo u ballan-qaaday in Haddii ay maamulkooda isku soo dhiibaan la nabad-gelin doono.

Ugu dambeyn, Wasiir Masaga-waa ayaa ka codsaday culummaa'uddiinka, Waxgaradka iyo Dhammaan shacabka Galmudug inay ka shaqeeyaan Nabadeynta iyo sidii ay Dhallinyarada Al-shabaab u dagaallama loo Wacyi-gelin lahaa; loogana soo saari lahaa dhibaatooyinka ay ku jiraan.

Si kataba ha ahaatee, Al-shabaab oo iyaduna maanta ka hadashay dagaalka gobolka Mudug ku dhexmaray ciidamada Galmudug ayaa sheegtay inay ku dileen tiro badan oo Ciidamada Maamulkaas ka tirsan, ayna iska caabiyeen, dibna uga celiyeen deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya