4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2016
Uhuru Kenyatta oo codsaday ciidammo dheeraad ah & Al-shabaab oo mar kale u Han-jabtay Kenya


Talaado, Maarso 01, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa weydiistay dalalka Afrika inay Somalia u soo diraan ciidammo dheeraad ah, si ay qayb uga Qaataan Hawl-gallada lagula Dagaallamayo Al-shabaab ee Somalia, iyadoo Al-shabaab ay dhankeeda ku hanjabtay inay Weerarayso Madaxtooyada Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada Kenya oo keliya ay ku sugan yihiin deegaanno badan oo Somalia ka Tirsan oo uu ka mid yahay Gobolka Gedo, laguna Guul-darreystay in Ciidammo kale oo AMISOM ah loo diro Gobolka Gedo.

Sidoo kale, Kenyatta ayaa sheegay in Gobolka Gedo uu yahay Halka Al-shabaab ay kasoo Abaabusho Weerarada ay ka geysato Deegaannada ku dhow soohdinta Somalia iyo Kenya, ayna muhiim tahay in ciidammo ka tirsan AMISOM la geeyo gobolkaas, si ay u xoojiyaan ciidamada Kenya ee halkaas ku sugan.

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkan ka jeediyay kulankii Madaxda ciidamada ka joogaan Somalia ay ku yeesheen Dalka Jabuuti, isagoo Xusay in Amaan Somalia ka hir-gala ay dan u tahay dhammaan waddamada ku yaalla Geeska Afrika.

Hadalka Uhuru Kenyatta ayaa kusoo beegmaya iyado 15-kii bishii Jannaayo ee Sannadkan 2016-ka ayay Al-shabaab weerar Khasaare badan geysatay Waxay la beegsatay Saldhig ay ciidamada Kenya ku sugnaayeen oo ku yaalla Ceel-cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay Turkiga ayaa sheegay in Ciidamada Kenya looga dilay Weerarkii Ceel-cadde cadad u dhexeeya 180 illaa 200 oo askari, balse xukuumadda Kenya ayaa qiyaastaas ku tilmaantay mid aanay waxba ka jirin.

Dhanka kale, Hoggaamiyaha Al-shabaab ugu magacaaban wadanka Kenya, Axmed Iimaan ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inay bar-tilmaamaysan doonan Xarumo waa-weyn oo uu ka mid yahay dhismaha Madaxtooyadda Kenya.

“Kenya waxay ku Waano-qaadan wayday Weerarkii Saldhigga Ceel-cadde iyo kuwii kale aanu ka geysannay Gudaha Kenya, Waxayna la kulmi doonaa Weerarro kale oo ka Culus kuwaas, Waxaana noo Qorsheysan in aanu Weerarno Xarummo kale oo uu ka mid yahay dhismaha Madaxtooyada Kenya,” ayuu Axmed Imaan ku yiri warbixin muuqaal ah oo uu soo duubay.

Ugu dambeyn, Madaxa Al-shabaab ugu magacaabay Kenya ayaa ah Injineer ka soo jeeda Deegaanka Majengo, waxayna Xukuumadda Kenya ay Madaxiisa Dul-dhigtay lacag dhan 300-milyan oo Shillinka Kenya ah, si xogtiisa ay u hesho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya