4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2016
Askar ka tirsan Millateriga Somalia oo lagu dilay Qarax Maanta lagula eegtay Deegaanka Carbiska


Talaado, Maarso 01, 2016 (HOL) — Ugu yaraan Afar ka tirsan ciidanka Somalia ayaa lagu dilay, kaddib Qarax maanta lagula eegtay gaari ay wateen Deegaanka Carbiska oo ku dhow degmada Afgooye oo gobolka Shabeellada Hoose, waxaana ku dhaawacmay saddex Askari oo kale.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa Miino Waddada dhinaceeda lagu Aasay, taasoo si lama filaan ah ula qaraxday mid ka mid ah Gaadiid ay wateen Ciidammo ku Wajahnaa Afgooye; iyadoo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Afgooye ay sheegeen in halka Qaraxani uu ka dhacay lagu qab-qabtay tiro dad ah oo looga shakisan yahay inay qaraxaan fuliyeen.

“Mid ka mid ah saddex baabuur oo ay wateen ciidammo millateriga Somalia ka tirsan ayaa lala eegtay Qarax miino oo waddada dhinaceeda ku aasnayd, iyadoo Afar askari oo ka mid ahaa ciidamadii la socday gaariga lala eegtay Qaraxa ay isla goobta ku geeriyoodeen, halka Saddex askari oo kalena ay ku dhaawacmeen,” ayuu u sheegay saxaafada mas’uul ka tirsan maamulka Degmada Afgooye.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in dadkii ay ciidamadu qabteen ee inuu Fuliyay Qaraxaas looga shakiyay, isla markiiba lagu Wareejiyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.

Gaarigii Ciidamada dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay la socdeeen, ayaa Waxaa soo gaaray Bur-bur xooggan, iyadoo markii dambe Goobta laga jiiday; Waxaana uu ku soo beegmayaa Qaraxan xilli Al-shabaab ay Muqdisho iyo Baydhabo maalmihii lasoo dhaafay Qaraxyo ay ku dhinteen dad aad u fara badan.

Dhanka kale, Askartii dhaawacyadu ksoo gaareen Qaraxa ayaa waxaa isla markiiba loosoo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo, iyadoo Deegaankii uu Qaraxu ka dhacayna ay gaareen Ciidammo kale oo ka Tirsan kuwa Dowladda Somalia iyo khuburo baaritaanno ku sameynaya sida uu qaraxani u dhacay.

Ugu dambeyntii, ma ahan markii ugu horreysay oo Gaadiid ay wateen ciidamada dowladda Somalia qaraxyo noocan oo kale ah lagula beegsato waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya