4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2016
SAWIRRO: Saraakiisha Dowladda iyo AMISOM oo Shir la xiriira Amniga ku yeeshay Beledweyne

Talaado, Maarso 01, 2016 (HOL) — Kaddib qaraxyo is-daba-joog ahaa oo ka kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo galaaftay Nolosha Shacab fara badan, ayaa waxaa maanta Beledweyne kulan deg-deg ah oo looga hadalyo amaanka guud ahaan Gobolka, gaar ahaan Magaalada Beledweyne ku yeeshay Saraakiisha Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo kuwa degmooyinka iyo guud ahaan saraakiisha ugu sarreeya Ciidamada AMISOM ee Gobollada Dhexe, kuwaasoo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti.

Taliyaha Qaybta Booliiska Magaalada Beledweyne Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla oo la hadlay Warbaahinta markii uu soo dhamaaday kulanka kaddib, ayaa xusay in maamulka iyo saraakiisha ciidanka si qota-dheer uga hadleen sugida ammaanka gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne iyo ka hor-taga falal Argagixiso oo laga yaabo inay geystaan Al-shabaab.

“Waxaa la isku Af-gartay in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay si Wadajir ah Amniga uga wada-shaqeeyaan, Waxaana mamnuuc ah in lagu arko Magaalada ruux qori sita oo aan ahayn Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, lana sameeyo Hawl-gallo joogta ah oo lagu Xaqiijinayo Nabad-galyada deegaannada Gobolka ee ku jirra gacanta Dowladda Somalia,” ayuu yiri Col. Dhuux

Tan iyo markii ay dhaceen weerarradii ugu dambeeyay ee qaraxyada loo adeegsaday, kana kala dhacay Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo, Hadal-heynta ugu badan Dadka ku nool Beledweyne ayaa ahayd suuro-galnimada weeraro kale oo ay Al-shabaab ka geysto qaar ka mid ah Gobollada kale ee Dalka, gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo weli Qaybo ka mid ah ay Maamusho Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Saacadihii u dambeeyay ayaa si weyn loo xoojiyay Ammaanka Magaalada Baladweyne, gaar ahaan Xilliyada Habeenkii ah oo la arkayo ciidamada iyagoo sameynaya hawl-gallo gaaf-wareegaya xaafadaha degmada , taasoo Qayb ka ah sugida Nabad-galyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya