4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2016
SAWIRRO: Guddiyada Baarlamaannada AFRIKA oo Shir Gaar ah uu uga Furmay Johannesburg

Talaado, Maarso 01, 2016 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanada Afrika ee ku Mideysan Pan African oo sanad walba kulma afar jeer, ayaa waxaa magaadala Johannesburg si Rasmi ah uga furmay kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan Sannadkaan 2016-ka, Guddiyada Baarlamaannada Afrika.

Kulankaan oo socon doono muddo laba Toddobaad ah, ayaa Waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Pan African, Eduardo Mulembwe, isagoo faahfaahiyay Ajandaha shirka oo noqon doona in looga hadlo nabad-galyada iyo amaanka Qaaradda Afrika, miisaaniyad-sannadeedka 2017-ka, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay hay'ad cusub oo ceymis ah oo ay yeelanayaan xubnaha ku jira Pan African, taasoo lagu magacaabo CIGNA.

Mudane C/casiis C/llaahi Maxamed (Xukun) oo ka mid ah Xildhibaannada Soomaaliya ku metelaya Shirkaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay qodobada ugu muhiimsan ee Somalia ka khuseeya kulankan, isagoo sheegay in Shirkaan looga hadlayo Amaanka iyo nabad-galyada Qaaradda Afrika, si gaar ahna looga hadlayo amaan-darada Somalia ka jira.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Xukun oo Wax laga Weydiiyay Qaraxyada kusoo kordhaya Somalia oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalooyin ka tirsan dalka, ayaa sheegay inay dhawaan kala hadleen Wasiirka Amniga, iyadoo ay muhiim tahay inay xaaladda amni ee Somalia ka shaqeeyaan taliyayaasha ciidanka, hawl-galladoodana ay ballaarin doonaan.

Ugu dambeyn, kulanka Sannadkaan ayaa waxaa dhanka kale lagu eegi doonaa Go'aanka uu Ururka Midowga Afrika ku gaaray in sanadkan 2016 uu u Aqoonsado Sannadkii Xuquuqda Aadanaha iyo Horumarinta Haweenka Qaaradda Afrika, ayaa la filayaa inay siyaabo Gaar-gaar ah u Kulmayaan; Guddiyada Haweenka, dhallinyarada iyo Danjireyaasha Qaaradda ee Waddanka Koonfur Afrika ku sugan.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afirka