4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2016
Trump oo Lagu Wado inuu Xisbiga Jamhuuriga usoo Baxo

Talaado, Maarso 01, 2016 (HOL)-Xog uruurin cusub oo lagu darsaayo siyaasada Mareykanka ayaa muujinaysa in xisbiga Jamhuuriga uu maalqabeenka mayalka adag ee Donald Trump usoo bixi doono maadaama ilaa iyo hada uu heysto codadka ugu badan ee doorashooyinka tijaabada ah ee la qabtay.

Dhanka kale ayaa waxaa la saadaalinayaa in xisbiga Dimoqraadiga ay usoo bixi doonto haweneydii ahaan jirtay Xoghayaha Mareyknaka ee Arimaha Dibada, Hilary Clinton. Hilary ayaa doorashooyinkii tijaabada ahaa ee ugu dambeeyay aad uga guuleysatay Bernie Sanders oo ay isku xisbi yihiin.

Daraasada ayaa waxaa sameeyay shirkada talefishinka ee CNN ayadoo ay muujisay daraasadu in Mr. Donald Trump uu 59% ku hoggaaminayo halka ninka kusoo xiga ee lagu magacaabo Michael Rubio uu heysto 16% oo qura. Hilary Clinton ayaa heysata 55% halka Sanders oo ay ayada isku xisbi yihiin uu heysto 38%.

2009kii ilaa 2013kii ayaa Hilary Clinton waxay heysay xilka Xoghayaha Mareyknaka ee Arimaha Dibada. Labada xisbi ayaa midba uu soo xulan doonaa murashaxa uga qeyb gali doona doorashada kama dambeysta ah ee xilka madaxweynenimada taasoo la filaayo in ay Mareykanka ka dhacdo bisha Nofember ee sanadkaan.

Maanta oo ah Salaaso isla markaana ah taariikh kow bisha Maarso ee kalendarka Miilaadiga Mareykankana looga yaqaano afka qalaad 'Super Tuesday' macnaheeduna yahay Salaasada Weyn ayaa si rasmi ah lagu wadaa in loo kala baxo.

Aden Mohamed Warsame

Hiiraan Online

[email protected]