4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 1 , 2016
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Baajiyay Safar uu ku Tegi lahaa Waddanka Sweden


Talaado, Maarso 01, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa baajiyay Safar uu ku tegi lahaa Dalka Sweden, kaddib shirkii Waddamada Ciidamadu ka joogaan Somalia ee ka dhacay Dalka Jabuuti, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somalia.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu soo gaabiyay socdaalkii uu dalka Jabuuti ku joogay, kaddib markii ay Muqdisho ka dhaceen qaraxyadii lala beegsaday Hotel SYL iyo Beer lagu nasto oo ku taalla dhabarkiisa.

“Madaxweynuhu Wuxuu dib u dhigay Safar uu ku tegi lahaa 01-da - 03-da March Dalka Sweden,” ayuu lagu yiri war-saxaafadeedka. Waxaana intaas lagu daray in booqashadan looga gol lahaa xoojinta xiriirka labada waddan.

Sidoo kale, Warkan ayaa lagu sheegay in Somalia iyo Sweden uu ka dhexeeyo xiriir Qota-dheer, Gaar ahaan; Horumarinta, Dib-u-dhiska, soo Dhaweynta Qaxootiga Soomaalida ee Sweden iyo Gargaarka Aadaminimada.

“Madaxweynuhu wuxuu sheegay in marka ay xaaladdu u saamaxdo uu tegi doono Dalka Sweden,” ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo baajinta doorashadan ay kusoo beegmayso xilli ay Qaraxyo ka dhaceen Muqdisho.

Ugu dambeyn, Baajinta Safarka Madaxweynaha Somalia ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu dibadda ugu ambabixi laha oo si rasmi ah loo shaaciyo inuu uu baajiyay, inkastoo ay jiraan safarro hore oo uu baajiyay balse aan sidaan oo kale loo shaacin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya