Madaxweeynaha Jubaland oo furay Kalfadhigii labaad ee Baarlamanka Jubaland [Sawirro]
Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Madaxweeynaha Jubaland Axmed Max'ed Islaam ayaa maanta furay kalfadhigii labaad fadhigiisii 1-aad oo ay yeeshaan mudaneyaasha baarlamanka Jubaland.
Mudaneyaasha baarlamanka Jubaland oo uu shir gudoominayay gudoonka baarlamanka Mudane Cabdi Max'ed C/raxmaan ayaa maanta isugu yimid xarunta baarlamanka Jubaland, ayadoo uu kulankaasi kasoo qeybgalay madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoonka baarlamanka, wuxuuna sheegay in kulanka maanta uu yahay kalfadhigii labaad kulankiisii 1-aad, wuxuuna xusay in uu daahfuri doono madaxweeynaha, isagoo sheegay in baarlamanka ay horyaallaan arimo badan oo uu ka doodi doono, kana codsaday mudaneyaasha in ay soo xaadiraan kulamada.
Intaa kadib waxaa madasha khudbad dheer ka jeediyay madaxweeynaha Jubaland oo mudaneyaasha baarlamanka uga warbixiyay siyaasadda guud ee dalka iyo tan Jubaland.
Madaxweeynaha ayaa faahfaahin ka bixiyay shirkii madasha qaran ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho, isagoo sheegay in shirkaasi uu ahaa mid guul kusoo dhamaaday, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay mar walba tallaabo hore u qaadeeyso, nidaamka baarlamanka lagu soo xuli doono sanadkanna uu noqon doono mid ka wanaagsan kii hore.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in intii uu socday shirkii madasha laga dooday arimo badan islamarkaana meesha laga saaray waqti-kororsi, isagoo xusay in arimaha sida weyn looga dooday ay kamid ahayd maqaamka ay yeelaneeyso Muqdisho oo uu xusay in doodadaha ugu badan ay ahaayeen in Muqdisho beel gaar ah leedahay halka fikirka kasoo horjeedana uu ahaa in Muqdisho ay tahay caasimad Soomaaliyeed oo Soomaali ka dhexeeysa, wuxuuna xusay in arintaasi guddi loo saaray kaa oo cadeyn doona maqaamka Muqdisho.
Madaxweeynaha oo dhinaca kale ka hadlay xukuumadda uu soo dhisay ayaa mudaneyaasha u sheegay in xukuumadda uu soo dhisay ay ka tiro badantahay tii hore ee KMG ahayd, isagoo sheegay in habka uu usoo dhisay ay ahayd habka ugu wanaagsan ee uu moodayay in uu xalka ku jiro.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in beelaha dega Jubaland in dhammaantood aan la wada qancin karin isagoo ku tilmaamay masuuliyadda uu hayo in ay tahay dhimbilo dab ah oo loo dhiibay.
Waxaa uu ka rajeeyay mudaneyaasha in ay ansixin doonaan xukuumadda uu soo dhisay, isagoo sheegay in uu aaminsayahay in wasiirada cusub ay yihiin kuwo wax badan ka badali doona hannaanka maamul ee Jubaland.
Madaxweeynaha ayaa ugu danbeyntii sheegay in uu furanyahay kalfadhiga labaad ee baarlamanka Jubaland.
Mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa waxaa horyaal arimo dhowr ah oo ay kamid tahay ansixinta madaxweeyne kuxigeennada iyo golaha wasiirada Jubaland ee uu soo dhisay madaxweeyne Axmed Maxamed Islaam.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- WAR-MURTIYEEDKII: Shirkii Madaxda Somalia iyo Kenya ku Dhex-maray Magaalada Nairobi
- Guddoomiyihii Ururka Haweenka ee Gobolka Mudug oo Caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo
- SAWIRRO: Ciidamada Booliiska oo ka billaabay Hawl-gallo lagu Adkeynayo Amaanka Muqdisho
- Warshad Farsameysa Biyaha Nadiifka ah oo laga Hir-galiyay Beledweyne (DAAWO MUUQAAL)
- MADAXWEYNE XASAN: Diyaar ayaan u nahay in aan la noqono Qoxootigeena Dhadhaab ku Nool
- Ciidamada Galmudug oo Mushaar ahaan loogu Qaybiyay Lacago laga Ururiyay Dadweynaha
- Baarlamaanka Somalia oo Dib u dhigay Codeynta Sharciyo lagu Waday inay Maanta Ansixiyaan
- Alshabaab oo Xalay Weerartey Fariisin Ciidanka DFS ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellada Dhexe
- Amaanka Gobolka Bari ee Puntland oo la Adkeeyay
- Kooxo Hubysan oo Muqdisho ku Dilay Askar ka Tirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka Somalia
- Ciidamadu waa inay Dhawraan Xaquuqul Insaanka
- Ciidamada Itoobiya oo la sheegay inay Shacab ah ku laayeen Deegaano Hoos-taga Gaashaamo
- Madaxweynaha Uganda oo Xaaskiisa ku daray Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa
- Tartan Kubadeed lagu Maamuusayo Bisha Ramadaan oo ka furmay Magaalada Garoowe (SAWIRRO)
- Xildhibaano Gurmad u Fidiyay Dadkii ay Saameeyeen Fatahaadihii ku Dhufatay Beledweyne
- Roobabkii Gu'ga ee Sanadkaan oo Sidii La Failaayay Aan Uga Da'in Soomaaliya
- DAAWO: Al-Fanaan Shimaali Axmed Shimaali oo Dib boorka uga jafay Mih-naddiisii Harqaanlaha
- illary Clinton oo Taageerayaasheeda uga mahad-celisay Guusha ay ka Gaartay Doorashada
- Yusuf Garaad oo loo magacaabay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhindoona Qaramada Midoobay
- SAWIRRO: Hormuud Foundation oo Deeq Lacageed u Qaybisay Bukaanada ku jira Isbitaalada Muqdisho