4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2016
Soonka Bisha Ramadaan oo Beri Laga Soomaayo Nairobi

Waddo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan Eastleigh, Nairobi oo kor laga soo sawiray


Axad, Juun 05, 2016 (HOL)-Maalinta beri ah ayaa waxaa lagu wadaa in dad badan oo Islaam ah oo ku dhaqan Nairobi Kenya ay soomaan maalinta kowaad ee bisha Ramadaan.

Caawa masaajida qaarkood xaafada Eastleigh ee Soomaalidu u badan tahay ayaa laga iclaamiyay in dalal badan oo caalamka Islaamka ah laga arkay bishii Ramadaan sida Sacuudiga sidaa darteedna ay beri tahay maalinta kowaad ee bisha Ramadaan ee barakaysan.

Masaajida qaar ayaa haatan oo warbixintaan aan qoreyno waxaa lagu tukanayaa salaada taraawiixda ayadoo maanta culimaau-diinku muslimiinta ay kuwaaniyeen in cibaadada lagu dadaalo bishaan barakaysan dadka muslimiinta ah si ay noloshooda wax weyn uga baddalaan bisha barakeysan.

Nairobi guud ahaan iyo gaar ahaan xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Eastleigh ayaa dadka kunool ee muslimiinta ahi waxay aad ugu dadaalaan cibaadada gaar ahaan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Qore: Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.