4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2016
Shacabka ka Gadooday Xukunkii Dilka ahaa ee lagu Riday Sideedda Qof oo ka Dhacday Sheekh


Isniin, July 25, 2016 (HOL) — Dadweynaha degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, ayaa Mudaharaad ka sameeyay manta Xukunkii maxkamadda Ciidamada ee Sideedda qof ku xukumay dilka ka dhigay magaaladaasi.

Dadweynahan ayaa kala xidhay jidka Magaaladda Burco & Berbera u dhexeeya, waxaanay dhagaxaan iyo taayiro ku gubeen jidadkaasi maraya, Waxaana gabi ahaan joogsaday Gaadiidkii isaga kala socday jiray Burco iyo Berbera.

Dadweynahan ayaa ku doodayey in aanay sharci ahayn in dad shacab ah ay xukunto maxkamadda ciidan, waxaanay sheegeen inay shacab yihiin, isla markaana maxkamad shacabka uun lagu qaadi karo dambi ay galeen.

Dadweynahan gadood ayaa saacaddo badan kala xidhay jidkaasi, waxaanay ku dhowaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan xukunkaasi maxkamadda ciidanka ee sideedda qof ku xukuntay dilka, waxaana sideedaasi qof loo haystay inay ku lug lahaayeen dilka taliyihii qaybta gobolka Saaxil Cabdirisaaq Casayr.

Maamulka gobolka Saaxil ee heer degmo iyo heer gobol oo ay hor kacayaan ciidanka gobolka Saaxil ayaa dadweynihii dajiyey, isla markaana u caqli caliyey, waxaana dadweynihii fariin inay guryahoodda ku noqdaan.

Muddo ka dibna waxay dadweynihi si nabadgalyo ah uga dareereen jidadkii ay tubnaayeen, waxaana laga guray taayiradii iyo qashinkii lagu gubay jidka, wax khasaare ah oo ka dhacay ma jirto marka laga reebo baabuur la sheegay in dhagaxaan lagu tuur tuuray oo ah kuwo dawladda.

Ugu dambeyn, Dadweynahan dibadbaxayay ayaa kasoo horjeedda xukunka maxkamada ciidanka ee sideedda qof ku xukuntay dil, iyagoo ku doodaya in maxkamad shacab lagu xukumo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland