4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2016
Somaliland oo ka hadashay Wafdi ka socday Kenya oo Hargeysa yimid & Hay’ada Nile Acadamy


Isniin, July 25, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrrimaha Dibadda Somaliland, Dr:Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay jireen wefti Kenyaan ah oo dhowaan wadanka yimid, isla markaana la soo hadal qaadeen Jaadka Miiroga ah sidii uu Hargeysa u keeni lahaayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay wali wax heshiish ah la gaadhina arrimaha ganacsiga iyo arrimo la xidhiidha Ictiraafka Somaliland.

"Wuu jiraa wefti ka yimid Kenya oo ka socda gobolka Miirooga, waxay u yimaadeen sidii ay u suurogal ah u noqon lahayd sidii ay wadanka u keeni lahaayeen qaadka Miirooga, laakiin wax heshiish ah oo arrinkaasi lala galay ma jirto,waxaana ku jiray xildhibaan hore oo arriamha ictiraafkeena taageera, waana soo hadal qaadeen Arrimaha Ictiraafka"ayuu yidhi wasiir Sacad oo ka hadlayey weftiga Kenya ka socday oo dhowaan booqasho ku yimid magaaladda Hargeysa.

Dhinaca kale, wasiirku waxa uu ka hadlay Passporka Somaliland oo qunsulka Turkiga sheegay in lagu tagi karo wadanka Turkiga, waxaanu yidhi "horaba waanu ugu tagnay oo wax cusub maaha (Dawladdu way ku tagtay), cid kasta oo u fududeynaysaa in siyaaro ama ganacsi ku tagi karaan wadan kale waanu soo dhoweynaynaa, wadanka Turkiga waanu uga mahad naqayna ogolaanshiyaha Passaporkeena ogolaadeen in lagu tagi karo wadankooda"

Wasiir Sacad ayaa sheegay in shacabka Turkiga gaadhsiiyeen fariin ah inay ka xun yihiin Inqilaabka la isku dayey in lagu sameeyo madaxweynahooda shacabku soo doorteen, waxaanu sheegay in cid kasta oo isku dayda inay inqilaabaaan xukuumad ku timid cod shacab in aanay raali ka ahayn.

"Somaliland raali kama aha cid kasta oo dadku soo doorteen in la afgambiyo, dawlada Turkiga waanu gaadhsiinay sida aanu uga xunahay inqilaabkaasi la isku dayey ee fashilmay, cidii ehelkooda kaga dhintay waanu ka tacsiyadaynay"ayuu hadalkiisa raaciyey.

Wasiirka mar la waydiiyey in Qunsulka Turkuga u fadhiya Somaliland uu sheegay inay cadaymo u hayaan in hay’adda Nile Academy ku lug ahayd inqilaabka fashilmay, waxa uu kaga jawaabayo wasiirku "Arrinka ku saabsan dugsiga Nile horta muddu jiray oo dad buu wax bara, hadii ay jiraan eedeemo la xidhiidha inuu lug ku lahaa afgambiga baadhitaan baa lagu samaynaya, wuxu sharciga ka yidhaahna waa la eegaya, laakiin illaa la xaqiijiyo inuu ku xadgudbay shuruucda iyo nidaamka wadankeena wadankeena oo maxkamad lagu geyn karo, dee la iskama eedeen karo la iskamana saari karo, waana arrin sharci waana baadhi doonnaa haddii ay wax soo baxaana waa la arki doonnaa, haddii aanay wax ku soo bixina la iskama eryi karo, haddii kale waxaynu noqonayna wadan aan sharci iyo nidaam ku shaqayn oo fawda ah".

Si kastaba ha ahaatee, Qunsulka Turkiga u fadhiya Hargeysa ayaa sheegay inay cadeyn u hayaan hay’adda Nile Academy inay ku lug lahayd inqilaakaasi fashilmay, waxaanu xukuumadda iyo shacabka Somaliland usoo jeediyey inay kala doortaan dawladda Turkiga iyo Nile Academy.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlin
[email protected]
Hargeysa, Somaliland