4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2016
Madaxweynaha Somalia iyo kan Galmudug oo u Diray Hambalyo UGAAS XASAN Ugaas Khaliif


Isniin, July 25, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta si rasmi ah loogu Caleemo-saarayo magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

"Caleema saarka Ugaas Xasan waa mid muhiim u ah arrimaha dhaqanka, dib-u-heshiisiinta iyo weliba Dadaalka guud ee dib loogu dhisayo Somalia. Waxaana aamin-sanahay in khibradda iyo Waayo-Arag-nimada Ugaaska ay Sahli doonto gudashada Waajibaadkiisa, anigoo ku kalsoon inuu yahay ruux Wax-qabadkiisa laga faa’iideysan doono," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa raaciyay in dowladda federaalka Somalia ay soo dhaweynayso Caleema-saarka Ugaaska Xawaadle, isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

Dhanka kale, Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isagana hambalyo iyo bogaadin u diray, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo isagoo yiri. "Waxaan dareenka farxadeed la Qayb-sanaynaa Dadka Gobolka Hiiraan ku nool oo dhan, gaar ahaan Qoyska Reer Ugaas, Waxaanan ALLE ka rajeynayaa in uu masuuliyaddaas la garab galo Ugaas Xasan."

C/kariin Xuseen ayaa intaa ku daray inay Ugaasyadu yihiin dhaqan soo jireen ah, isla markaana acan ka geystay nolosho, Dhanqanka iyo Nabad-gelyada ummadda Soomaaliyeed, ayna ay kaalin weyn ku lahaayeen Geeddi-socod-yadii lagu soo yagleelay Xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray iyo tan hadda jirta.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug ayaa hadalka kusoo xiray. "Waxaan rajeynayaa in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu kaalin wax ku ool ah ka qaadan-doono amniga iyo isu soo jeedida guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna kuwa gobolka Hiiraan iyo Nawaaxigiisa."

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya