4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2016
Iskuuladii iyo Isbitaaladii Hay'ada Nile Academy ay ka maamulaysay Muqdisho oo lala Wareegay


Isniin, July 25, 2016 (HOL) — Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho - ayaa si Rasmi ah waxay ula wareegtay xarumihii ay maamulaysay Hay'adda Nile Organization ee dalka Turkiga laga leeyahay oo shaqaalaheeda toddobaadkii hore laga eryay Muqdisho.

Hay’adda NILE - ayaa waxay Maamulaysay Iskuullo Waxbarasho iyo Isbitaallo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu eedeeyay hay'addan inuu leeyahay Sheekh Fethullaah Gulen oo Xukuumadda Turkiga ay ku eedeysay inuu gaan ku lahaa Afgambigii dhawaan ka dhacay dalkaas.

Xukuumadda Somalia ayaa toddobaadkii hore soo saartay amar ay Somalia uga baxayaan shaqaalaha Hay'adda Nile, iyagoo amarkan ku sheegay mid ay ka dalbatay dowladda Turkiga.

Sarkaal Turki ah ayaa sheegay in dhammaan xarumihii ay ha'yadda Nile kaga sugnayd Muqdisho ay la Wareegtay Safaaradda Turkiga, Waxaana Goobaha ay Safaaraddu la Wareegtay ka mid ah; Isbitaalka DEVA iyo Iskuulo uu ka mid yahay Dugsigii Farmada ee Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Hay'adda Nile ayaa Somalia ka Hawl-galaysay Afartii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ha'yaddu ay maamulaysay kulleejooyin ay carruurta Soomaaliyeed wax ku bartaan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya