4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2016
Roobab lagu diirsaday oo ka hooray caasimada Jabuuti

Isniin, Luuliyo 25, 2016 (HOL)-Caasimada Jabuuti ayaa waxaa ka da'ay roobab lixaad leh kuwaas oo lagu diirsaday.

Xiligaan ayaan looga baran magaaladaa roobab sidaa lixaad u leh hase ahaatee waxaad moodaa inay kasoo hor mareen waqtigoodii. Roobabkaa ayaa aad loogu qabowsaday ayadoo guud ahaan dalka Jabuuti oo dhan cimiladiisu ay tahay mid aad u kulul.

Khaas ahaan, roobabkaa ayaa hooray xilli ay dhacayeen dabeylo hongarre iyo kul watay.

Roobabkaa ayaa caasimada Jabuuti dhigay biyo badan meel walba biyahaa oo meelo badan qottoma.

Waqtigaan ayaa lagu jiraa bartamaha xagaaga dalkaa Jabuuti ayadoo caadiyan looga bartay hawo kulul iyo inay dhacaan dabeylaha hongarraha wata oo dalkaa looga yaqaano 'khamsiin'.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]