4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2016
Weerar saddexaad oo muddo asbuuc gudihii ah ka dhacay Jermalka

Isniin, Luuliyo 25, 2016 (HOL)-Qarax ayaa ka dhacay meel xaflad muusig ah ay ka dhacaysay gudaha Jermalka. Nin ismiidaamiyay ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee goobtaa.

Ninkaa ayaa waxaa la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Suuriya. Ninkaa ismiidaamiyay oo qura ayaa la sheegay inuu halkaa ku naf waayay balse ilaa 12 qof uu dhaawacay.

Weerarkaa oo ah kii 3aad ee ka dhaca gudaha Jermalka muddo todobaad ah gudaheed ayaa waxaa uu ka dhacay qeybta koofureed ee dalkaa.

Ninkaa ayaa sanad ka hor loo diiday inuu jinsiyad ka helo dalkaa laakiin si ku meel gaar ah ayuu u joogay Jermalka asagoo markii hore qaxootinimo kuyimid.

Dhowr maalmood ka hor, wiil reer Iran ah oo 18 jir ahaa ayaa 9 qof dilay ka hor intii uusan asaguna isdilin. Wiilkaa ayaa weeraray meel laga dukaameysto isla Jermalka.

Nin kale oo Suuriyaan ah ayaa isla muddo toddobaad ah haweeney dilay asagoo sidoo kale dhaawacay  labo qof oo kale. Ninkaa ayaa haweeneydaa ku dilay faas labada ruuxna ku dhaawacay faaska.

Arintaan ugu dambeysay ee qaraxa ninka suuriyaanka ah ee ismiidaamshay ayaa imaanaysa ayadoo shalay loogu baaqay dalka Jermalka dawladiisu inay xaddido hubka dadka dalkaasi ay haystaan.

Siyaasiyiin saameyn weyn ku leh gudaha dalka Jermalka ayaa dawlada ugu baaqay in la xaddido iibinta hubka iyo gaar ahaan qoryaha si weerarada loo xaddido.

Dhammaan daafaha caalamka waxaa kusoo badanaya dilalka bareerka ah ee ujeedkooda iyo cidda ka dambeysa la garan la' yahay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]