4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
Jen. C/raxmaan CAARE oo Maanta ku Geeriyooday Muqdisho iyo Madaxda Dowladda oo ka Hadlay


Axad, July 24, 2016 (HOL) — Jen. C/raxmaan Warsame Cilmi Caare oo ka mid ahaa saraakiishii sare ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa maanta ku geeriyooday Muqdisho iyadoo geeridiisa ay ka hadleen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Marxuumka ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, sidoo kalena wuxuu ahaa waayeel, waxayna RW Soomaaliya iyo Madaxweynuhuba tacsi u direen Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka baxay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku Tilmaamay marxuumka inuu ka mid ahaa saraakiishii udub-dhexaadka u ahaa horumarkii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen.

"ALLAHA u Naxariistee marxuum Caarre Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii qaybta ka qaatay dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Horumarradii ay gaareen," ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo intaas ku daray inuu Geeridiisa uga tacsiyeynayo shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan eheladii iyo asxaabtii kale ee uu ka baxay.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray, in Marxuum Jen. C/raxmaan Caare lagu xusuusan doono doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu shacabkiisa ugu adeegay intii uu noolaa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa isagana ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, isagoo xusay inuu ka mid ahaa saraakiishii sare ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilliyadii u dambeeyayna uu kuxanuunsanayay Muqdisho.

"Jen. Caarre wuxuu ahaa shaqsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo Horumarin lahaa ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu sameyn lahaa," ayuu yiri RW Sharma'arke.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ALLE uga baryay Marxuumka inuu ka Waraabiyo Jannaadiisa Fardowsa, Dhamaan intii uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan buuxa ka siiyo.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya