4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
Saddexda Xisbi ee Somaliland oo isku Mari la' Saammi Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada


Axad, July 24, 2016 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen saddexda xisbi Qaran ee Somaliland oo ay gogosha dhigtay Akadamiga Nabadda ayaa lagaga arrinsanayey waxa laga yeelayo Saamiga qaybsiga kuraasta golaha Wakiiladda.

Saddexda xisbi ayaa qodobkan oo xasaasi ah,isla markaana la isku mari laayahay ka doodayey, isla markaana sidii gobolada iyo beelaha cabanaya ee saami qaybsiga kuraasta xildhibaanadda golaha Wakiiladda wixii laga yeeli lahaa.

Inkastoo kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn wakhti badan qaatay, ayaa kulanka laga soo jeediyey xog ururin dhowaan ay golaha wakiilada Somaliland ka sameeyeen goboladda oo dhan iyo aragtidda ay asxaabtu ka qabaan saami qaybsiga.

Wararka waxay intaas ku darayaan in labadda xisbi ee UCID iyo KULMIYE isla qaateen arrimihii laga soo jeediyey madasha, halka Guddoomiyaha xisbiga WADANI isagu soo jeediyey inuu kala tashanayo masuuliyiinta xisbigiisa, isla markaana kulan dambe la iskugu yimaaddo.

Qodobkan saami qaybsiga ayaa ah qodob xasaasi ah, isla markaana caqabad ku ah in doorasho la qabto, maadaama oo goboladda iyo beelaha qaarkood qabaan in saami wanaagsan ku lahayn golaha wakiiladda, isla markaana ay qaadici doonaan haddii sidii hore lagu gallo, waana calaamatusu’aal dul taala xukuumadda iyo sharci dajinta sidii loo maareen lahaa arrintaasi.

Xukuumadda ayaa iyadu isku dayday in ay qodobkan iskaga riixdo golaha wakiiladda, maadaama uu yahay xeerkii lagu soo dooran lahaa, haseyeeshee golaha Wakiiladda ayaa iskaga leexiyey inay waajib ku tahay xukuumaddu inay maarayso saami qaybsiga goboladda, maadaama oo gobol waliba cabanayo, isla markaana ay jiraan beelo iyaguna saluugsan tiradda looga qoondeeyey kuraasta golaha Wakiiladda.

Si kastaba ha ahaatee, haddii qodobkan la isku afgaran waayo, waxay keenaysa in la kala qaado labadda doorasho ee hadda la isku xidhay (Madaxtooyadda iyo Wakiiladda), isla markaana dib loo dhigo doorashadda golaha Wakiiladda oo laga yaabo in laba sanno loo kordhiyo.

Doorashaddii 2005-kii oo ahaa kii ugu horeeyey ee xildhibaanadad golaha Wakiiladda lagu soo doorto ayaa ahaa mid qabyo ah oo loogu tallogalay in hal mar oo tijaabo ah lagu gallo, maadaama oo uu madaxweynihii wakhtigaasi Daahir Rayaale Kaahin uu door bidayey in nidaamka doorashadda wadanka ka hirgasho, waxaanu beelihii iyo goboladdii wakhtigaasi cabanayey ku qanciyey in doorkan xeerkaasi qabyadda ah lagu gallo doorashadda, waxaana xeerkii doorashaddaaasi lagu galay ku eekeed hal mar uun in doorasho lagu gallo, sidaa darteed, waxa illaa imika qabyo ah xeerkii lagu soo dooran lahaa xildhibaanadda golaha Wakiiladda iyo saamigii gobol kasta iyo beel kasta ka heli lahayd Baarlamaanka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland