4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
DAAWO: Wafdi uu Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Horkacayo oo Gaaray Beledweyne

Axad, July 24, 2016 (HOL) — Wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Duubabka-dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uu Hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Somalia Mahad C/dalla Cawad, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigaan oo ka kooban, Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Odayaal-dhaqmeed iyo xubno ka tirsan Ururrada Bulshada rayidka, ayaa la filayaa in maalinta beri ah ka Qayb-galaan Munaasabada Calleemo saarka Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Mahad Cabdalla Cawad oo warfiyeenka kula hadlay qaybta nasashada ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, ayaa sheegay in ujeeddada Socdaalka isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo tahay ka Qeyb-galka calleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo uu ku Tilmaamay Munaasabad Taariikh ah oo sida uu hadalka u dhigay ku weyn dhaqanka Soomaalida.''Si gaar ah waxaa socdaalkan wakiil uga ahay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari oo safar dibada ah ku maqan oo nagu adkeeyay in aan ka soo qeyb-galno Munaasabaddaan,'' ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Sidoo kale, Waxaa Warbaahinta dhinacooda la hadlay Wasiir ku-xigeenka Beeraha Somalia, Cabdisiis Saalax Carmaan iyo xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim Qoono oo labaduba sheegay in ay ka Qeyb-gali doonaan calleemo saarka Ugaaska.

Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed - ayaa sidoo kale, ka mid ahaa Xubnaha maanta gaartay magaalada Beledweyne, halka subaxnimada hore ee maalinta berri ah la filayo in ay ku soo biiraan munaasabada mas'uuliyiin heer Qaran ah iyo Duubabka-dhaqanka Soomaaliyeed qaarkood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya