4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
HARGEYSA: Nin Maskaxda ka jirran oo gurigiisii ku gubay Saddex Carruur ah oo uu dhalay


Axad, July 24, 2016 (HOL) — Nin maskaxda ka xanuunsanaya, ayaa Gurigiisa ku dhex gubay Saddex caruur ah oo uu dhalay xaafadda Xisbiga ee degmadda 26 june ee magaaladda Hargeysa.

Ninkan guriga ku dhex gubay sadexda caruurta ah ayaa la sheegay inuu qol ku dhex xidhay ka dibna uu dab qabadsiiyey, waxaana halkaasi ku geeriyooday saddexdii caruurta ahaa, halka isaga isagoo dhaawac halis ah laga soo badbaadiyey dabkii.

Sadexdan caruurta ah iyo aabaha dhalay waxa markiiba usoo gurmaday ciidanka Dab-damiska ah iyo dadkii la jaarka ahaa, waxaana halkii isagoo nool laga soo saaray aabihii dhalay, halkii saddexdii caruur ahi ku nafwaayeen.



Taliyaha ciidanak Dab-damiska Kabtan Axmed Maxamed Xasan (Axmed Suwaxiili) oo goobta guriga ayaa ka warbiyey sida wax u dhaceen iyo khasaaraha goobta ka dhacay, waxaanu yiri."Waxa dhacday masiibo dab, waxa aan tacsi u direyaa reerka ay saddexda caruur ahi ka dhasheen, waxana guriga uu dabku ka dhashayna sababta lahaa sidaa aanu baadhis aanu samaynay ku xaqiijinay ninkii guriga lahaa oo maskaxda ka xanuunsanaya ayaa isaga iyo sadexdii caruurta ahaa ee uu dhalay uu makhsin ku soo xidhay albaabkii guriga laga soo galaynay uu xidhay. Waxaanu dab qabadsiiyey gurigii oo ay ku shuf beeleen sadexdii caruurta ahaa, isagina dirqi ayaanu ku badbaadinay, xaaladiisuna aad bay u culustay"

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland