4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
Carwada Buugaagta Hargeysa oo Hal ku dheg looga dhigay Hogaaminta iyo Hal-abuurka (Sawirro)

Axad, July 24, 2016 (HOL) — Carwaddii sagaalaad ee Bandhiga Buugaagta ee Hargeysa, ayaa sanadkan hal ku dheg looga dhigan hogaaminta iyo hal abuurnimadda, waxaana sanadkan awoodd lagu saari doonaa ka hadalkeedda ama ka doodisteedda hogaaminta iyo hal abuurka.

Carwadan ayaa sanad walba bishan oo kale lagu qabta magaaladda Hargeysa, waxaana lagu soo bandhiga Buugaagta, riwaayado, taariikhada iyo maaweelooyin kala duwan, waxaana sanad kasta ka soo qaybgala Ajanabo kala duwan oo lagu casuumo, waxaana aad u xiiseeya dhalinyaradda oo si weyn uga soo qaybgasha.

Munasibada xaflada furitanka carwada bandhiga buugaagta caalamiga Hargeysa (Hargeysa International Book Fair), ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, asxaabta siyaasada, safiir ku xigeenka safaaradda Addis ababa ee Ingiriiska qoraa, Abwaanno iyo kooxyo ka jira goboladda oo buugaagta lagu akhristo.

Wasiirka wasaarada arrimaha dibadda Somaliland Mr. Sacad Cali Shire, ayaa carwadan si rasmi ah u daahfuray carwada buugaagta caalamiga ah ee 9aad ee ka furantay caasimadda Hargeysa.

"Waanu idinku soo dhaweynaynaa Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ee aad ugu soo safarteen kumanaan ka mile, waxaana sanadkan lagaga hadli doonaa Bandhiga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa mawduuc aad iyo aad u muhiim ah kaas oo ah Hoggaaminta iyo Hal-abuurka."ayuu yidhi Sacar Cali Shire wasiirka Arrimaha Dibadda.

Jaamac Muuse Jaamac oo ka mid ah asaasayaasha hindisay carwadan buugagta caalamiga, islamarkaana ka mid ah aqoonyahanada u dhashay Somaliland ayaa ka warbixiyey carwada buugagta oo sanadkii 9aad ka furantay magaalada Hargeysa iyo carwada sanadkan waxa ay kaga duwan tahay kuwii hore sanadadii ka qabsoomay, waxana uu hadalkiisa uu dhigna sidan "Waxa aad mooda in wax cusub ay dhacayaan xaqiiqduna waxa ay tahay waxyaabaha qaarkood ayaa iska cusub oo sanad kaste dal gaar ah ba la soo marti qaada, marka dalka Ghana ayaa la soo marti qaaday sanadkan. Sanad kaste muwduuc ba laga hadla marka sanadkan waxa laga hadli doona hogaaminta iyo hal-abuurka, marka aad doorato muwduuc cusub waad ku qasbaneysa in aad wax cusub keento, waxad ku qasbaneysa in aad buugaag cusub aad keento iyo qorayaal cusub aad keento."

Murashaxa xisbiga UCID aqoonyahan Jaamal Cali Xuseen kana mid ah qorayaada geyiga Somalida ayaa isna ka qayb galay xaflada furitaanka carwaddii 9aad ee bandhiga buugaagta caalamiga ah isago sharaxay faa’iidada uu leeyahay carwada bandhiga buugaagta caalamiga shacabka reer Somaliland iyo sidoo kale cida ka faa’idaysan karta bandhigan, waxaana uu hadalkiisa uu dhigna sidan "Horta carwadan buugaagta wey wanaagsan tahay in buugaagta lagu soo bandhigo oo dhalinyarada loogu soo dhiiriigeliyo akhriska iyo qoraalka oo qofku marka horeyto uu akhriste wanaagsan uu noqdo ayuu qoraa wanagsan u noqda, dhalinyaradana waa waxyaabaha buugaagta iyo waxyaabaha cilmiga ay ka faa’ideystan oo hiwaayadaha xun xun ka leexiya, marka ay buugaagta akhriska ay huwaayad ka dhigtan."

Sidoo kale, Qoraa Idiriis oo ka mid ah qoreyaasha dalka Jabuuti islamarkana ka soo kicitamay dalka Jabuuti si uga soo qayb galo munaasibada bandhiga carwada buugaagta caalamiga ah Hargeysa isagu qayb ka ah qoreyaasha ku soo bandhigi buugaag uu qorey inta ay soconeyso carwadani, waxana isaguna hadalkiisu uu dhigna sidan "Waxa aan buugaagta ku soo bandhigi doono carwadan oo ah buug aan iska kaashaney aniga iyo qoraa kale lagu magaacabo Cabdirashiid oo buugani ku salaysan yahay sheekadi Cilmi Boodhari oo dadku wada hayaan inta sheegan, marka waxa aanu isnidhi bal idinkuna inta sheelan ka warama."

Bandhigan carwada 9aad ee bandhiga buugaagta heer caalamiga ah ee Hargeysa International Book Fair oo ay ka soo qayb galaan sanad kasta qoreyaal ka soo kala jeeda qaarada Afrika ayaa sanadkan lagu marti qaaday si gaar ah dalka Ghana, waxana sanadkan fursad u heshay haweenay ka socotay dalka Ghana kana mid ah qoreyaasha iyo farshaxanka ka soo jeeda dalka, waxana ay haweenaydaasi ay ku tilmaantay inay ku faraxsantahay ka soo qayb galka carwadan bugaagta, waxaanay tidhi "Ka soo qaybgalka carwadan waxa ii tahay fursad aanu wax yar ka iftiimino ama soo bandhigno shacabka reer Somaliland dalka Ghana, waxaana aan u maleynayaa in ay sii wanaajiineyso iskaashiga dhinacyo badan kuna salaysan dhowr arrimood iyo isbarashada labada dhinac. Carwadani wa taydii ugu horeysay ee aan ka soo qayb galo anigu ku faraxsan in aan ka soo qayb galo, waxana rajeynayaa in ay igu reebayso xusus weyne."

Ugu dambeyn, Carwadaan bandhiga buugaagta heer caalamiga Hargeysa International Book Fair oo sanadadii hore dadweynaha kala duwan ka soo qayb geli jireen sanadkan ka tiro badan yihiin, iyaddoo wufuud caalaamiga ah ka soo qayb galay carwada sanadkan isugu jiraan shanta qaaradood ee ay ka kooban tahay dunidu, waxana sidoo kale ay carwadani socon doonta muddo shan maalmood.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland