4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
AKHRISO: NUSOJ oo soo dhaweeyay Go'aankii ay Maxkamadda Sare ku ayidday Doorashada


Axad, July 24, 2016 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhaweyay go’aanka kasoo baxay Maxkamadda sare ee dalka ee ay ku ayidday Doorashadii Ururka NUSOJ ee ka dhacday Magaalada Muqdisho 17-kii bishii May ee Sannadkaan 2016-ka, taasoo ay maxkamaddu ku caddeysay inay u dhacday si daah-furnaan ah.

Shir jaraaid oo uu xafiiskiisa ku qabtay Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayuu ku sheegay in ugu horreyn sharciyada ururka ay ka timid suxufiyiinta Soomaaliyeed si weynna ay u soo dhaweynayaan inay si buuxda u ayiddo maxkamadda sare ee dalka doorashadii suxufiyiinta ee loogu doortay guddoomiye, Maahir Jaamac Aden, Xoghayaha Guudna loogu doortay Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Xoghayaha Guud ayaa ka codasaday hay'daha dalka ka shaqeeya iyo kuwa caalamiga ah ee taakuleeya Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay go'aanka maxkamada sare ee dalka ay ku sharciyeysay Hoggaankiisa Ururka NUSOJ u hogaansamaan, isla markaana ay wadashaqeyn buuxda la sameeyaan.

HADDABA, Akhriso Go'aanka kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Dalka;


HADDABA; SOO ROGO Warbixinta Ururka NUSOJ oo ku Qoran Afka Ingiriiska;

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya