4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
Somaliland: Dhowr Qof oo Toogasho Lagu Xukumay

Axad, Luuliyo 24, 2016 (HOL)-Maxkamada ay leeyihiin ciidamada qalabka sida oo ku taala jamhuuriyada goonida isu taagtay ee Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 8 qof.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee derejada kowaad Koloneyl Yuusuf Faarax Sharma'arke ayaa u sheegay warbaahinta in 8da qof lagu helay inay dileen taliyihii booliska Berbera ee gobolka Saaxil Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf 2dii Maarso ee sanadkaan 2016.

Si kastaba ha ahaateed garyaqaan u doodayay dadkaa toogashada lagu xukumay ayaa sheegay in xukunkaa uu yahay mid cadaaladda ka fog oo la siyaasadeeyay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]