4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
Todobaadka Dhaqanka Somalida Canada oo Furmay iyo Jidad Muhiim ah oo loo xiray (SAWIRRO + VIDEO)

Axad, Luuliyo 24, 2016 (HOL)-Todobaadka Dhaqanka ee Somalida Canada ayaa lagu qabtay Toronto ,iyada oo la xiray wadooyin muhiim oo u ku jiro jidka Dixon si halkaasi loogu so bandhigo dhaqanka Somalida ,waana munaasabad sanad walba lagu qabto Toronto iyo qaybo kamid ah dalkaasi.

Xuska oo ay Soomali badani ka soo qayb-galeen ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay urur ay ku midaysan-yihiin dhalinyarada Somalida ah ee Toronto ,kaasi oo lagu magacaabo Toronto Development Association of Youth loona soo gaabiyo (Today).

Barxadda Dixon oo ka tirsan degmada Etobicoke ee Toronto ayaa waxaa isugu yimid dad-weyne badan oo u soo daawasha tagay in ay arkaan dhaqanka Somalida ,iyadoo kulankan lagu casuumay mas’uuliyiin xilal ka haya dowladda Canada.

Madaxda joogtay isu-imaatinkan waxaa kamid ahaa afhayeenka barlamaanka dowladda Somalia Maxamed Cusman Jawaari ,Axmed Xuseen oo ah xildhibaankii ugu horeeyay oo Somali –Canadian ah oo laga soo doorto York iyo waliba madax kale oo Kanadiyan ah oo ay ku jiraan ; Borys Wrzesnewskyj  iyo waliba Doug Ford.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in Somalida Canada ay muujiyeen dadaaalo badan ,isla markaana ay ku guulaysteen in xubin iyaga kamid ah uu u matalo barlamaanka dalkaas ,isaga oo tilmaamay in wali ay hartay shaqo badan oo ku aadan fahanka bulshada iyo in iyo ay xilal kale ka helaan xafiis-yada dowladda kuwooda muhiimka ah.

Borys Wrzesnewsky oo ah xildhibaan laga soo doorto Etobicoke ayaa ka soo qayb-galayaasha uga sheekeeyay sheeko naxdin leh oo ku saabsan dhibaatooyin uu Somalia ku soo arkay mar uu booqday, isaga oo tilmaamay in maskaxdiisa ay wali ku jirto gabar yar oo kamid ahayd dadkii  uu la kulmay.

Waxaa uu tilmaamay in xisibiga libral-ka iyo iyo kan dowladda-ba ay iska kaashan doonaan sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinac-yo badan ,waxaana uu xusay in uu garab-taagan-yahay Somalida ku nool Canada.

Ciyaaro lagu xusayo munaasabad-dan ayaa maalinta bari ah lagu qaban doonaa Centennial Park ,iyadoo lala ciyaari doono kooxo matalaya  Yurub iyo waqooyiga Ameerica.

Ugu danbayn todobaadka dhaqanka Somalida Canada ayaa markii ugu horeysay waxaa qabtay dhalinyaro Somaliyeed oo ka soo qaxday dagaaladii sokeeye ee dalka ka jiray ,waxaana laga xusi karaa dhalinyaradaas oo ciyaar-yahanno u badnaa Mukhtar Oote iyo Canter Jeenyo.

Faysal M.Hassan
[email protected]