4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2016
C/WELI GAAS: Koobka Gobollada ee ka socda Muqdisho in Garoowe la keeno ayaan Rajeynayaa


Axad, July 24, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyay cayaaraha gobollada ee Muqdisho ka socda hadda, isagoo xusay inuu u rajeynayo in koobkaas ay ku guuleysan doono kooxda Puntland ka socota.

C/weli Gaas, wuxuu sheegay in Cayaarahani ay qayb weyn ka qaataan is-dhex-galka Bulshada iyo Nabadda, sidoo kalena Dhalilnyarada ay ka Maaweeliyaan falalka xun-xun, sida maandooriyaha iyo tahriibka.

"Waxaan hambalyeynayaa Xulka Puntland oo guul weyn cayaarahan kasoo hooyay, isla markaana Final-ka kasoo baxay, waxaana rajeynayaa inay ku guuleysan doonaan koobka," ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Gaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu cayaartoyda Kooxda Puntland u mahad-celinayo, isla markaana uu rajeynayo inuu kooban kusoo degi doono Garoowe oo ah xarunta Puntland.

Ugu dambeyn, Isniinta Berri ah ayaa lagu wadaa in cayaar xiiso badan ay ku dhex-marto cayaartoyda Puntland iyo Jubbaland garoonka Banadir Stadium, cayaartaas oo la filayo inay ma'suul kala duwan ka qayb-galaan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya